Booliska Afghanistan ayaa shaaciyey in afar qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay meel u dhow isbitaal ku yaalla caasimadda Kabul, iyadoo aan weli cidina sheegan masuuliyadda qaraxaas.

Afhayeenka booliska Kabul, Khalid Zadran, ayaa sheegay in qarax uu maanta oo Sabti ah ka dhacay waddada horumarta Isbitaalka Sheikh Zayed ee caasimadda Afghanistan, kaasoo sababay dhaawaca afar qof oo rayid ah oo dhaawacyadoodu fudud yihiin.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in ciidammada amniga ay gaareen goobta qaraxa oo ay bilaabeen baaritaanka dhacdada, isla markaana dadka ku dhaawacmay loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo xigatay qaar ka mid ah dadka Kabul oo sheegay in qaraxu ahaa mid weyn oo codkiisu laga maqlay guud ahaan magaalada.

Afghanistan waxay dhowaanahan la kulantay weerarro dhowr ah oo lagu bartilmaameedsaday shacabka iyo ciidammada ammaanka.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo sababay geerida lix qof iyo dhaawaca 13 kale oo ka dhacay afaafka hore ee xafiisyada xeer-ilaalinta guud ee Kabul.

Sidoo kale, isla bishaas, kooxda ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar kale oo bartamaha dalka ka dhacay, kaasoo sababay dhimashada 15 qof iyo dhaawaca lix kale.

Share.
Exit mobile version