Puntland oo mar ahaan jirtay maamul siyaasadeed oo firfircoon, maanta waxay u muuqataa mid weyday saameynteeda siyaasadeed iyo dhaqaale , taasoo si weyn u saameysay Siyaasiyiinta barakayaacsha Daarood. Maqaalkani waxan si qoto dheer ugu falanqeynayaa xaaladda Puntland, qaab-dhismeedkeeda qabyaaladeysan, sida siyaasiyiinta barakayaacsha Daarood loo wayay jaan iyo cirib halkeey dhigeen, iyo arrinta xiisaha leh ee jilinka dagaalka oo ay la yimaadeen barakacayaashu.
—
Maamul qabyaladeedka Puntland oo gabaabsi ah Siyaasaddii iyo Dhaqaalihii
Haddii maanta si qoto dheer loo eego siyaasadda mamul qabyaladeedka Puntland, waxay u muuqataa mid aan lahayn istiraatiijiyad cad. Halkii ay doorkeedii siyaasadeed ka xajisan lahayd, Puntland waxay noqotay Shirkada sameysa filmada sona saarta atoorayaal jiliinka ku wanaagsan. Qaar ka mid ah jilayaasha Puntland aya so bandhigay diyaarada an duliya lahayn inu gacantiisa kuso qabtay. Siyaasiyiinta barakayaacsha oo horey ugu caan baxay cabashooyinka aan dhamaadka lahayn, waxay hadda ka war sugayaan dhacdo kasta si ay u helaan fursad ay isku muujin karaan.
Xagga dhaqaalaha, Puntland wuu liitaa. Ma jiro wax horumar ah oo muuqda, maalgashigii maamul qabyaladeedka Puntland ee beelaha kale ee soomaliyeed aya sii Dabar go’aya.
waxaana la dareemayaa in ganacsatada maxalliga ahi ay ka niyad jabeen maamulka. Xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waa uu sii xumaanayaa, taasoo uga sii dartay xaaladdeeda dhaqaale iyo saameyntii ay ku lahayd arimaha siyaasadda.
—
Jilitaanka Dagaal: Barakaacayaasha aya Isku Bedelay Geesiyaal Social Media ah!
Waxaa aad looga dareemayaa baraha bulshada muuqaalada siyaasiyiinta barakayaacsha Daarood iyo dhalinyaro ay wataan, kuwaasoo isticmaalaya farsamooyin casri ah si ay isu muujiyaan. Waxay isticmaalayaan apps-ka lagu farsameeyo muuqaalada sida CapCut iyo InShot, iyagoo ka dhigaya inay dagaal kula jiraan kooxaha xagjirka ah ee Daacish. Hase yeeshee, indhaha caqliga furan ma sirgoyn karo, maxaa yeelay muuqaalada la faafinayo waxay si cad uga muuqdaan inay laga keenay dalal kale sida Afgaanistaan, Suuriya, iyo Azerbaijan, balse cod cusub ayaa la dul saaray si loogu ekeysiiyo inay Puntland ka dhacayaan.
Haddii aad fiirsato muuqaaladooda, waxaad arkeysaa dhalinyaro mamaul qabyaladeedka Puntland kasoo jeeda oo iska dhigaya geesiyaal dagaal, balse ayaga laftoodu xitaa xabadi suulka kama rideen! Waxaa xitaa la arkay in qaar badan ay ku dhaceen qaladaad waaweyn—muuqaaladii hore ee la daawaday ayay haddana mar kale cod kale dul saareen, iyagoo iloobay in dadkii horey u arkay ay fahmi karaan been-abuurka.
Qorshahoodu waa mid sahlan: Waxay rabaan in Dowladda Federaalka iyo beesha caalamku ay u arkaan geesiyaal dagaal kula jira argagixisada, si ay dhaqaale uga helaan. Waa xeelad qaab jilitaan ku salaysan, balse nasiib xumo waxay la kulmeen in markiiba bulshadu fahamtay ciyaarta ay wadaan, taasoo ka dhigtay in xitaa baraha bulshada lagu qoslo muuqaalada ay soo dhigaan😁.
—
Puntland iyo Qabyaaladda Aan Xishoodka Lahayn
Dhibaatada kale ee Puntland ayaa ah in ay wali ku dhisan tahay nidaam qabyaaladeed aan waxba laga bedelin. Tusaale ahaan, degmada Towfiiq waxay si rasmi ah uga tirsan tahay Puntland, balse waxa iska leh beesha Saleebaan Cabdalle, oo ka tirsan beelaha Surre, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in aysan matalaad rasmi ah ka helin gabi ahaanba Puntland. Taasi waxay keentay in dadka deegaanka ay dareemaan in aysan Puntland wax dan ah ka lahayn, taasoo dhalisay in bulshooyin badan ay ka sii go’aan maamulka.
Halkaa waxaa ka cad in Puntland aysan xitaa isku hagaajin karin arimaha gudaha, haddana ay riyo ka leedahay in ay la tartanto dowlad goboleedyada kale. Waxaa muuqata in wax walba ay salka ku hayaan qabyaalad, taasoo meesha ka saartay nidaam dimuqraadi ah oo ay dadku si siman uga faa’iideysan karaan kheyraadka deegaankooda.
—
Gunaanad
Siyaasadda Puntland waxay u muuqataa mid mugdi sii galaysa, halka siyaasiyiinta barakayaacsha Daarood lawaayay jaan iyo cirib halka ay dhigeen oo ay ka sameeyn badanaatay xildhaaanad Gobsan oo barakac ayaduna ku ah gudaha Muqidisho 😁.
Dhaqaalaha mamul qabyaladeedka Puntland wu sii dabar go’aya sido kale xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka waa uu sii xumaanayaa maalinba maalinta ka dambeysa, halka qabyaaladda maamulka Puntland ay hoos u dhigtay fursadaha matalaadda beelaha kale.
Intii Puntland iyo siyaasiyiinteeda ay ku mashquuli lahaayeen muuqaalada CapCut iyo InShot oo ay ku jilayaan dagaalyahano aan jirin, waxaa habboon in ay helaan xeelad dhab ah oo lagu badbaadin karo mustaqbalka maamulka. Haddii aysan wax iska bedelin, Puntland waxay noqon doontaa maamul tartiib tartiib u dhimanaya, siyaasiyiinteeduna waxay ahaan doonaan dad muuqaalada duuba balse aan xallin wax mushkiladooda ka mid ah.
Waxaa la joogaa xilligii Puntland ay garan lahayd in siyaasadda lagu horumaro ficil dhab ah, balse aan lagu gaari karin muuqaalada la farsameeyo, jiliin social media lagu qabto iyo Qabyaalad Qaawan!
W/Q: Gaarane Garab-Mawaaye