Muqdisho (Jubaland 24) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka golaha amniga qaranka oo ka qabsoomay xafiiska amniga qaranka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee dalka iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS. Waxaana shirka ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka, iyo taliyeyaasha ciidamada.
Intii uu shirka socday, waxaa laga dooday istaraatiijiyadda lagu xoojinayo amniga qaranka iyo dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed si ay u buuxiyaan kaalinta amniga goobaha ay bannaynayaan ciidamada ATMIS. Waxa kale oo lagu diyaariyay qorshaha howl-galka cusub ee AUSSOM.
Sidoo kale, shirka waxaa lagu dhageystay warbixin muhiim ah oo ay soo gudbisay wasaaradda beeraha iyo waraabka, taas oo ku saabsan caqabadaha haysta beeraleyda Soomaaliyeed. Warbixinta ayaa muujisay halista isbaarooyinka iyo lacagaha sharci darrada ah ee laga qaado beeraleyda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Guddiga amniga qaranka ayaa arrintan ku tilmaamay caqabad weyn oo saameynaysa wax-soo-saarka iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Madaxweynaha ayaa ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh in ay si degdeg ah uga shaqeeyaan xallinta caqabadahaas, si loo dhiirrigeliyo wax-soo-saarka beeraha oo muhiim u ah koboca dhaqaalaha iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.