Hey’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa ee Nigeria ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 792 eedeysane intii lagu jiray howlgal lagu qaaday dhisme loo maleynayo inuu yahay xarun ay ku sugnaayeen kooxo khiyaano oo soo jiita dhibbanayaasha iyagoo adeegsanaya dalabyo jacayl been ah, kadibna ku qasba inay lacago u diraan lacag-dijitaal ah oo been abuur ah.

Afhayeenka Guddiga Dambiyada Dhaqaale iyo Maaliyadda, Wilson Uwujaren, ayaa sheegay in eedeysanayaasha – oo ay ku jiraan 148 qof oo Shiinees ah iyo 40 qof oo Filibiiniyaan ah – la qabtay 10-kii Diseembar gudaha dhisme la yiraahdo Big Leaf oo ka kooban 7 dabaq kuna yaalla Lagos, caasimadda ganacsiga ee Nigeria.

Wuxuu intaa ku daray in dhismahaasi raaxada leh uu hoy u ahaa xarun wicitaan oo bartilmaameedkeedu ahaa dhibbanayaal ka soo jeeda qaaradaha Ameerika iyo Yurub.

Uwujaren ayaa wariyeyaasha u sheegay in shaqaalaha halkaas ku sugnaa ay la xiriiri jireen dhibbanayaasha iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada iyo aaladaha farriimaha sida WhatsApp iyo Instagram, iyaga oo ku khiyaaneeya jacaylka internet-ka ama u bandhiga fursado maalgashi oo u muuqda kuwo faa’iido leh.

Markii dhibbanayaasha lagu soo jiito dabinka, waxaa lagu khasbaa inay lacag u diraan qorshayaal lacag-dijitaal been abuur ah iyo barnaamijyo kale oo aan jirin.

Uwujaren wuxuu sheegay, “Shuraakada reer Nigeria waxaa loo kireeyay inay ka raadiyaan dhibbanayaasha internet-ka iyagoo isticmaalaya farsamooyinka phishing-ka, iyaga oo bartilmaameedsanaya inta badan dadka Ameerikaanka, Kanadiyaanka, Meksikanka, iyo dad badan oo ka soo jeeda dalalka Yurub.”

Wuxuu intaa ku daray, “Marka dadka Nigeria ay kasbadaan kalsoonida dhibbanayaasha suurtagalka ah, ajnabiga ayaa qabta shaqada dhabta ah ee khiyaanada ku sameynta dhibbanayaasha.”

Uwujaren ayaa caddeeyey in guddigu uu la shaqeynayo shuraako caalami ah, islamarkaana ay baarayaan xiriirka suurtagalka ah ee lala leeyahay kooxaha dambiyada abaabulan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in howlgalka lagu soo qabtay kombiyuutarro, taleefoonnada gacanta, iyo baabuurro.

Share.
Exit mobile version