Xarakada Muqaawamada Islaamiga ah ee Falastiin (Xamaas) ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in wadahadallada lagu joojinayo dagaalka ka socda Marinka Gaza ay gaareen heerarkii ugu dambeeyay, waxayna rajeyneysaa in wajigan cusub ee wadahadallada uu ku dhammaado heshiis cad oo dhameystiran.

Xamaas ayaa xustay in ay la yeelatay hoggaamiyeyaasha kooxaha Falastiiniyiinta shirar iyo wadatashiyo ku saabsan horumarka laga sameeyay wadahadallada ka socda magaalada Dooxa.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay ayay Xamaas ku sheegtay in hoggaamiyeyaasha kooxaha iyo xoogagga kale ee Falastiiniyiinta ay ku qanacsan yihiin sida wadahadalladu u socdaan, isla markaana ay muhiim tahay in loo diyaar garoobo marxaladda xigta.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale sheegay in “hoggaanka Xamaas iyo kooxaha kale ay ku heshiiyeen in wadatashiyada iyo wada-xiriirku sii socdaan ilaa heshiiska la dhammeystirayo, maadaama uu marayo heerarkiisii ugu dambeeyay.”

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa sidoo kale xaqiijiyay in wadahadallada ka socda Dooxa ay yihiin kuwo wax-ku-ool ah oo horumar laga sameeyay, laguna dhow yahay in heshiis laga gaaro dagaalka Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay Dooxa, ayaa sheegay: “Waxaan aad ugu rajo weyn nahay in caqabadaha waaweyn ee horey u hakiyey heshiiska hadda laga gudbay.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in nuqulkii hore ee heshiiska xabbad-joojinta loo gudbiyey Xamaas iyo Israel, iyadoo wadahadallada wali lagu jiro sidii loo dhammeystiri lahaa faahfaahinta ugu dambeysa ee heshiiska.

Share.
Exit mobile version