Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada hawlgallada milateri ee ka socda xadka iyo aagga ka caagan hubka ee bariga khadka xabbad-joojinta ee Golan, gudaha dhulka Suuriya. Dhanka kale, Ruushka ayaa xaqiijiyay in tallaabooyinka Israa’iil ay jebinayaan heshiiskii 1974 ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Suuriya.

Ilo gaar ah oo laga helay Al-Jazeera ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay sii wadaan dirista ciidamo isugu jira gaadiid gaashaaman, taangiyo, qodayaal, iyo qalab kale oo milateri oo halkaas ka shaqaynaya si ay u diyaariyaan aagga una sameeyaan goobo ay ku sugaan ciidamadooda oo ay ku ilaaliyaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa war-saxaafadeed ay shalay oo Talaado ahayd soo saareen ku sheegay in hawlgallada dhulka ee ka socda aagga ka caagan hubka ay socdaan, isla markaana ay ciidanka cirka ee Israa’iil tan iyo habeenkii Axadda ka fulisay 350 duqeyn oo bartilmaameedsanaysay goobaha istiraatiijiga ah, saldhigyada milateri, iyo bakhaarada hubka ee ciidamada Suuriya.

Raadiyaha ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in 80% awooddii milateri ee nidaamka madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar al-Assad la burburiyay.

Share.
Exit mobile version