Maalmahan waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayay olole ay wadaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo si weyn u soo jiitay dareenka dadweynaha, uguna dambeyn gaaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shalay intii uu ka hadlayay xafladda xilwareejinta agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka, sheegay in uu warbixin ka helay dhalinyarada oo ay uga warameen  barnaamijka lagu dhiirrigelinayo in aan CV-yada loo gudbin xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri:

Mustafow, ma ogtahay inay sheekada dhalinyarada  isoo gaartay? Aniga xalay ayay ii sheekeyeen. Waxay wadaan olale la yiraahdo, ‘CV-gaaga hala wadaagin xildhibaan kaaga.’ Hore waxaa caado ahayd in xildhibaanada loo geeyo CV-yada , iyagoo loo sheegayo booska banaan ee shaqooyinka. Hadda se, intuu beddel ku sameeyo Cvga, ayuu isagu booska qaadanayaa.”

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid kadib markii dhowr xildhibaan ay doorteen xilal aan ku jirin boosaskii matalaada shacabka, sida Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Xildhibaan  Saadaq Joon oo loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Hay’adda NISA.

Arrintan ayaa dhalisay caro iyo walaac ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka muujiyeen sida ay u muuqato in xildhibaanada matalaya ay ku tartamayaan boosaska shaqooyinka oo ah fursado ay heli lahaayeen aqoonyahanada . Tani waxay dhalisay rajo xumo ku saabsan mustaqbalka shaqo raadiska dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo la rumeysan yahay in mas’uuliyiinta matala shacabka ay isku koobayaan fursadaha shaqooyinka dalka.

 

 

Share.
Exit mobile version