Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024, soo saaray wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-002/122024, kuna magacaabay Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha oo dhammaystiran waxay u dhignayd sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE

Magacaabid

Markii aan arkay:

Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay:

Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisa;

Markii aan ku qancay:

In uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

Markii aan sameeyey:

La-tashi;

Waxaan go’aamiyey:
In Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr) laga bilaabo taariikhda maanta uu noqdo Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Share.
Exit mobile version