Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Turkiga wada hadallo muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo Turkigu uu garwadeen ka ahaa. War-murtiyeedka kasoo baxay wada hadalladan ayaa lagu heshiiyay qodobo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka labada dal, laguna horumarinayo xiriirkooda siyaasadeed iyo midka dhaqaale.
Qodobada Heshiiska Lagu Gaadhay:
1. Ixtiraamka Madax-bannaanida iyo Wadajirka Labada Dal
Waxaa la isku raacay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah sida Axdiga Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika. Tani waxay meesha ka saareysaa in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland madax-bannaanideeda.
2. Itoobiya oo Helaysa Marin Badda oo Sharciyeysan
Iyadoo la tixgelinayo wadajirka dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu heshiiyay in Itoobiya loo oggolaado marin badda oo sharciyeysan si loo fududeeyo isku xirnaanta ganacsi iyo is-dhexgal dhaqaale.
3. Heshiisyada Ganacsiga ee Loo Wada Dan Yahay
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in si dhow looga shaqeeyo heshiisyo ganacsi oo labada dal faa’iido u leh. Heshiisyadan ayaa lagu meelmarin doonaa qaab labo geesood ah.
4. Wada Hadallo Farsamo oo Dhawaan Bilaabanaya
Waxaa la qorsheeyay in wada hadallo farsamo ay bilaabmaan bisha February ee sannadka 2025, kuwaas oo Turkiga uu mar kale fududeyn doono. Wada hadalladan ayaa la rajeynayaa in lagu soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood ah.
Heshiiskan ayaa u muuqda mid muhiim u ah labada dal, iyadoo Turkiga uu doorkiisa dhexdhexaadnimo si hufan uga qaatay sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadkii jirey.