Baarayaashu waxay ku guuleysteen inay ka soo saaraan xog hordhac ah mid ka mid ah sanduuqyada madow ee diyaarada shirkadda “Jeju” ee burburtay, taasoo ahayd musiibadii ugu xumayd ee duulimaad ee soo marta Koonfur Kuuriya, kuna dhalisay geerida 179 qof.

Jo Jong Wan, oo ah ku-xigeenka Wasiirka Duulista Rayidka ah, ayaa sheegay in la dhammeystiray soo saarista codka qolkii hore ee duulimaadyada laga hagayey, isagoo tilmaamay in khubarada ay weli isku dayayaan inay ka soo saaraan xogta sanduuqa labaad oo duulimaadka xogtiisa kaydinayey.

Diyaaradda “Boeing 737-800” oo ay leedahay shirkadda qiimaha jaban ee “Jeju,” ayaa sidday 181 qof oo rakaab ah intii ay ku jirtay safar ay ka timid Thailand kuna socotay magaalada Muan ee koonfur-galbeed Koonfur Kuuriya. Waxay soo dirtay cod gargaar ah kahor intaysan ku degin dhabaha garoonka iyadoo aanan laheyn lugaha hoos u dega, kadibna siibatay oo ku dhacday derbi dhammaadka dhabaha, taasoo keentay qarax.

Musiibadan ayaa sababtay dhimashada dhammaan 175 qof oo rakaab ah iyo 4 kamid ah shaqaalaha diyaaradda, halka labo kamid ah shaqaalaha ay ka badbaadeen.

Markii la helay labadii sanduuq ee madow, mas’uuliyiinta Koonfur Kuuriya waxay isla markiiba bilaabeen baadhistooda, iyadoo baarayaal Maraykan ah oo ay ku jiraan kuwa ka socda shirkadda Boeing ay soo gaareen goobtii musiibada si ay uga qayb qaataan baaritaanka.

Share.
Exit mobile version