Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka hadlay sawir si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaasi oo muujinaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo gacmaha is-haya oo qosol badan wadaagaya. Sawirkan ayaa imaanaya kadib muddo ku dhow hal sano oo uu ay jirtay xiisad adag oo ka dhex taagneyd Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xiisaddan ayaa ka dhalatay heshiis ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaasi oo lagu tilmaamay mid dabada ka riixaya damaceeda ku aaddan badda Soomaaliya. Hase yeeshee, muuqaalka labada hoggaamiye ee saaxiibtinimo ka turjumaya ayaa noqday mid dad badan siyaabo kala duwan uga falceliyeen, maadaama uu muujinayo horumar lagu sameeyay xiriirka labada dal.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in xaaladdan cusub lagu gaaray dadaallo iyo dagaal diblumaasiyadeed oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh hogaaminayay sanadkii la soo dhaafay, taas oo guulo muhiim ah u soo hoysay Soomaaliya.
“Waxaa la xaqiijiyey isqadarin loo siman yahay, iyadoo wadan walba uu ixtiraamayo arrimaha u gaarka ah kan kale, wixii la wada qabsanayana si sharciga waafaqsan ayaa loo maareynayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Hoos Ka Aqriso Qoraalka Wasiirka Fiqi:
“Dad badan ayaa xalay la yaabay soo dhoweynta Madaxweynaha, qaarna waxay sheegeen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaas oo kale loo soo dhoweyn. Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa loo galaa in lagu gaaro nabad loo siman yahay. Ma jiro dagaal aan dhammaad lahayn ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo.
Dadaalka diblumaasiyadeed ee uu madaxweynuhu hoggaaminayay muddo sanad ah wuxuu horseeday in Soomaaliya aan la dhayalsan, iyadoo isbeddel weyn lagu sameeyay xadgudubyadii hore iyo dhaqannadii la doonayay in lagu yaraysto xuquuqda Soomaaliya.
Waxaan xaqiijinay isqadarin iyo is-ixtiraam ka dhexeeya labada dal, iyadoo dhammaan arrimaha wadajirka ah lagu xallinayo si sharci ah.”