Dowladda Suudaan ayaa si adag u cambaareysay go’aanka Midowga Yurub ee cunaqabateynta lagu soo rogay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada Suudaan, waxayna ku tilmaantay go’aan aan cadaalad ahayn oo ku saleysan marmarsiiyooyin aan waxba ka jirin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si xooggan uga soo horjeedo cunaqabateynta Midowga Yurub ee lagu soo rogay sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyadoo lagu eedeynayo wax aan run ahayn.
Midowga Yurub ayaa Isniintii lasoo dhaafay ku dhawaaqay cunaqabateyn uu ku soo rogay afar shaqsi oo ka tirsan milatariga iyo amniga Suudaan, kuwaas oo ay ku jiraan Taliyaha Sirdoonka Ciidamada Suudaan Maxamed Cali Axmed Subayr, Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka Salah Cabdalla (Gosh), iyo laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Taageerada Degdegga ah, iyagoo lagu eedeeyay inay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida, iyo ammaanka dalka.
Cunaqabateyntan ayaa waxaa ka mid ah xayiraadda hantidooda iyo mamnuucida in shakhsiyaadka iyo hay’adaha Midowga Yurub ay siiyaan lacag, hanti maaliyadeed, ama kheyraad dhaqaale, iyo sidoo kale mamnuucidda inay u safraan gudaha Midowga Yurub.
Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan aan cadaaladda ahayn uu yahay sii wadida habka khaldan ee Midowga Yurub uu ugu wajahan yahay dagaalka gardarrada ah ee lagu hayo Suudaan – shacabka, dowladnimada, iyo hay’adaha qaranka.
Waxay wasaaraddu ugu baaqday Midowga Yurub inuu dib uga laabto go’aankan, dib u eego habka uu ula tacaamulo waxa ka socda Suudaan, iyo inuu qaato mowqif taageero u ah Suudaan si ay ula dagaallanto gardarrada lagu hayo, iyo argagaxa uu shacabka ka soo gaarayo.
Tan iyo bartamihii Abriil 2023, ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa Taageerada Degdegga ah ayaa ku dagaallamayay dagaal sababay in ka badan 20,000 oo dhimasho ah iyo in ka badan 14 milyan oo qof oo barakacay ama qaxooti noqday, sida ay ku qiyaaseen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah.
Baaqyo caalami ah iyo kuwo Qaramada Midoobay ayaa sii xoogeysanaya si loo soo afjaro dagaalka, si looga hortago musiibo bini’aadannimo oo Suudaan ku sii baahaysa, taas oo sababatay in malaayiin qof ay wajahaan macaluul iyo dhimasho ay keentay gaajada, dagaalkuna uu gaaray 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.