Muqdisho (Jubaland24) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan, oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa loo magacaabay kaaliyaha amniga ahna taliye ku-xigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Jubaland24.

Saadaq Joon, oo horey u soo qabtay xilka taliyaha NISA iyo booliska gobolka Banaadir, ayaa l xilkan cusub kala wareegay Muxiyadiin Warbac, kaasoo dhowaan laga qaaday xilka.

Wararka ayaa tilmaamaya in wareegtada magacaabista Saadaq Joon ay si rasmi ah u gaartey taliska NISA, waxaana la filayaa in faafinta rasmiga ah ee magacaabistan ay soo baxdo saacadaha soo socda.

Saadaq Joon, oo horey xilligii Madaxweyne Farmaajo looga qaaday darajadii ciidanka, ayaa dib u helay dhammaan xuquuqdii iyo darajooyinkii ciidanka markii ay dowladda Xasan Sheekh xilka qabatay.

Xilkan cusub ayaa u muuqda mid muhiimad gaar ah leh xilli ay jiraan caqabado amni oo ay wajaheyso hay’adda NISA. Saadaq Joon ayaa looga fadhiyaa inuu door muuqda ka qaato hagaajinta amniga dalka.

 

 

Share.
Exit mobile version