Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa ku dhawaaqay qorshe ku saleysan isla-xisaabtan oo lagu wanaajinayo maamulka gobolka.

Guddoomiye Amiir ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay horumarinta dib-u-dhiska caasimadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Intii uu kulanku socday, waxa uu ballan qaaday in lagu dhaqaaqi doono isla-xisaabtan iyo dabagal lagu sameynayo howlaha socda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Jimcaale, iyada oo xoogga la saaray dardargelinta mashaariicda lagu horumarinayo magaalada, sida dhismaha waddooyinka, xal u helidda biyaha roobka, iyo dib u dhiska xarumaha muhiimka ah.

Guddoomiye Amiir ayaa farriin dardaaran ah u diray madaxda iyo shaqaalaha waaxda howlaha guud, isaga oo ku adkeeyay in ay waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo ah oo ku dhisan Alle ka cabsi. Sidoo kale, waxa uu sheegay in isla-xisaabtan rasmi ah uu ka bilaaban doono maamulka gobolka.

Haddii qorshahan si dhab ah loo hirgeliyo, waxaa la rumeysan yahay in uu wax weyn ka tari karo baahiyaha ka jira caasimadda. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta badan lagu eedeeyaa musuq-maasuq iyo is-dabamarin, taas oo lagu guuldareystay in laga hortago xilligii guddoomiyeyaashii hore. Dad badan ayaa sugaya in ballanqaadka Guddoomiye Amiir uu ficil dhab ah ku saleysnaan doono ama uu lamid noqon doono hadalladii hore.

Share.
Exit mobile version