Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga. Labada hoggaamiye ayaa ku guuleystay in ay heshiis is-faham ah ka gaaraan khilaafkii culus ee u dhexeeyay.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo horey u ahaa Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyay shan qodob oo muhiim ah oo kasoo baxay shirkii Ankara, kuwaas oo lagu gaaray is-afgarad dhexmaray Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray shirka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya uu faa’iido weyn u leeyahay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. Wuxuu xusay in kahor inta uusan xilka la wareegin, la xaliyay caqabado uu Muuse Biixi kaga tagay miino siyaasadeed ahaan.

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa tilmaamay in heshiiska ka dhacay Ankara uu filanwaa ku noqday dowladaha Masar iyo Eritrea, kuwaas oo xiriir dhow la lahaa Soomaaliya muddooyinkii dambe, balse ay khilaaf kala dhaxeeyay Itoobiya.

Shanta Farriimood ee kasoo baxay Shirka Ankara

1. 𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo buriyay heshiisyo hore oo uu la galay Muuse Biixi, isla markaana dib u dhigay qorshaha bixinta badda.

2. 𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu helay fursad uu ku gaaro badda, isaga oo helay damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo ogolaansho ku saabsan joogitaanka ciidankiisa gudaha Soomaaliya.

3. 𝐅𝐀𝐑𝐀𝐉
Cabdiraxmaan Cirro, toban saac kahor inta uusan xilka la wareegin, ayaa ka faa’iideystay xalinta caqabadihii siyaasadeed ee uu kaga tagay Muuse Biixi, taasoo u suuragelisay in uu si buuq la’aan ah uga shaqeeyo danaha dadkiisa.

4. 𝐅𝐈𝐋𝐀𝐍𝐖𝐀𝐀
Dowladaha Masar iyo Eritrea heshiiskan wuxuu ku noqday arrin lama filaan ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay sugayaan dhaqan-galka heshiiska iyo wadahadallada xiga ee ku saabsan gaarista badda ay Itoobiya raadinayso.

5. 𝐅𝐄𝐄𝐉𝐈𝐆𝐍𝐀𝐀𝐍
Arrimaha la xiriira gaarista badda waxay u baahan yihiin la-tashiyo sharci ah iyo taxadar weyn si loo hubiyo in aan la sameyn wax khaladaad ah oo wax u dhimi kara Soomaaliya.

 

Share.
Exit mobile version