Baarlamaanka Kuuriyada Koonfureed ayaa xilka ka qaaday madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Han Duck-soo, kadib markii 192 xildhibaan oo ka qeyb galay codbixinta ay si wadajir ah u taageereen mooshinka xilka qaadista.

Tani waa markii ugu horreysay ee madaxweyne ku-meel-gaar ah xilka laga qaado kadib markii madaxweynihii rasmiga ahaa la eryay dalkaas.

Xil ka qaadistan ayaa timid kadib markii Han lagu eedeeyay inuu si firfircoon uga qeyb qaatay isku daygii madaxweynihii hore, Yoon Suk-yeol, ee ahaa inuu ku soo rogo xukun degdeg ah dalka.

Kadib xil ka qaadista Han, qiimaha lacagta Kuuriyada Koonfureed ee won-ka ayaa hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo ku dhow 16 sano marka loo eego doolarka.

Han ayaa horey u diiday eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo sheegay in awooddiisa madaxweyne ku-meel-gaar ah aysan u oggolaaneyn inuu sameeyo magacaabid muhiim ah, isla markaana magacaabista garsoorayaasha maxkamadda dastuuriga ah ay tahay inay ku timaado heshiis dhex mara xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya.

Share.
Exit mobile version