Warbaahinta Associated Press ayaa soo xigatay mas’uuliyiin Mareykan ah oo ka saaray suurtagalnimada in madaxweynaha la doortay Donald Trump uu ka laabto goobo military oo Mareykan ah oo ku yaalla Suuriya, sidii uu rabi jiray inta lagu guda jiray xilligii uu xilka hayay markii hore.

Waxay sheegeen in aaminsanaantooda ay ka timaaddo xaqiiqda ah in Trump inta badan uu isku amaano guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah ururka Dowladda Islaamka iyo dib u soo celinta dhulkii ururkaasi uu qabsaday xilligii maamulka madaxweynihii hore Barack Obama.

Waxay sidoo kale sheegeen in khatarta soo noqoshada ururka Dowladda Islaamka ay noqon doonto mid aad u weyn, taasoo Trump uusan halis ugu gelin karin arrintan.

Hore ayaa Trump u sheegay in Mareykanku aysan ku lug yeelan dagaalka Suuriya, wuxuuna ku qoray fariin uu soo dhigay bartiisa “Truth Social” ee baraha bulshada, isagoo yiri: “Suuriya waxay ku jirtaa fowdo, laakiin ma aha saaxiibkeen waana in Mareykanku aanu wax xiriir ah la yeelan. Tani ma ahan dagaalkeenna… ha socoto… ha ku dhex lug yeelina.”

Hadalka Trump ayaa loo fasiray inuu ka soo horjeedo joogitaanka 900 askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, intooda badanna ku sugan waqooyi-bari halkaas oo ay taageerayaan isbahaysi ay hoggaaminayaan Kurdiyiinta Suuriya ee ku mideysan waxa loo yaqaan “Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya”.

Sanadkii 2018, Trump ayaa ku dhawaaqay intii lagu jiray xilkiisii koowaad inuu doonayo inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Suuriya, isagoo sabab uga dhigay in ururka Dowladda Islaamka uu ku dhow yahay inuu guuldareysto.

Share.
Exit mobile version