Rashmika Mandanna, oo ah jilaaga la shaqeynaya Allu Arjun ee filimka Pushpa 2, ayaa muujisay niyad-jabkeeda ku aaddan xariggiisa Jimcaha oo la xiriiray dhimashada haweeney dhacday xafladda bandhigga filimka ee Sandhya Theatre.

Rashmika ayaa ka tacsiyaysay dhacdadaas murugada leh, iyadoo difaacday Allu Arjun, kuna tilmaantay in qalbigeedu jebsamay markii loo eedeeyay dhacdadan.

“Ma rumaysan karo waxa aan arkayo hadda.
Dhacdada dhacday waa mid nasiib darro ah oo murugo weyn leh.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa niyad-jab leh in qof keliya lagu eedeeyo wax walba. Xaaladdani waa mid aan la rumaysan karin oo qalbi-jab ah,” ayay Rashmika ku qortay barta X.

4-tii Diseembar, Allu Arjun ayaa booqday Sandhya Theatre ee Hyderabad si uu uga qeybgalo bandhigga Pushpa 2. Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay tiyaatarka, taasoo keentay fowdo iyo isbuurasho. Haweeney ayaa halkaas ku dhimatay, halka wiilkeeda isbitaalka la dhigay. Kadib dhacdadan, dacwad ayaa laga gudbiyay Allu Arjun, kooxdiisa ammaanka iyo maamulka Sandhya Theatre.

Allu Arjun waxaa la xiray Jimcaha, balse Maxkamadda Sare ee Telangana ayaa si ku-meel-gaar ah dammaanad ugu siisay.

Marka laga soo tago Rashmika Mandanna, dhowr jilaa oo kale ayaa taageero u muujiyay Allu Arjun, oo ay ku jiraan jilaa weyn Raza Murad, jilaaga Telugu Nani, Sundeep Kishan iyo qaar kale.

“Nasiib darro isbuurasho ayaa dhacday, qof baa dhintay, dadna waa dhaawacmeen. Maxaa qalad ah oo uu sameeyay jilaaga? Maamulka tiyaatarka ma aha mas’uuliyadda jilaaga,” ayuu yiri Nani oo ku qoray barta X.

“Waxaan jeclaan lahaa in dawladda iyo warbaahinta ay dadaalka noocan ah ku bixiyaan wax kasta oo la xiriira dadka caadiga ah, sida ay ugu dadaalaan dadka ka tirsan fanka. Haddii ay sidaas sameyn lahaayeen, waxaan ku noolaan lahayn bulsho ka wanaagsan. Dhacdadan waxay ahayd mid nasiib darro ah oo qalbi-jab leh,” ayuu yiri Nani.

Sundeep Kishan ayaa isna ku qoray barta X: “Sidee qof hal nin ah loogu eedayn karaa dhacdo murugo leh oo dadka faraha ka baxday?
Gaar ahaan waddan ku nool dad tiro badan iyo xaflado farxadeed.

Waa in aynu wax ka baranno tan, oo aan hubinno inaysan dib u dhicin, halkii aan eedeyn ku jeedin lahayn.

Jacayl baan kuu hayaa Allu Arjun Anna.”

Share.
Exit mobile version