Muqdisho, Diseembar 10, 2024 – Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadis iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyay hoggaanka Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho.Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isagoo beddelkiisa u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Mudane Maxamed Axmed Amiir waa aqoonyahan khibrad ballaaran u leh arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada, iyo maamulka iyo maaraynta. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo horumarinta iyo maamulka Caasimadda.Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu xusay in xilka cusub ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho uu dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha ee maanta, oo ku beegan Talaado, 10-ka Diseembar 2024.

Share.
Exit mobile version