Muqdisho (Jubaland24) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si kulul u dhaleeceeyay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tegay Itoobiya, isaga oo ku tilmaamay mid guul-darro siyaasadeed horseeday.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu shalay salaan ka qaatay ciidamada badda Itoobiya, kuwaas oo loo tababaray hawlgallo badeed, inkastoo Itoobiya aysan lahayn bad.

“Shalay ciidanka badda Itoobiya ayaa loo diyaariyay in uu salaan ka qaato madaxweynaha, waa dhacdo kale oo bahdil ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in uu si joogto ah ugu fashilmay difaaca qaranimada, isaga oo tilmaamay in Itoobiya ay u adeegsatay booqashadaas inay hoos u dhigto sumcadda hoggaanka Soomaaliya.

Sawir si weyn u faafay oo baraha bulshada qabsaday ayaa muujiyay Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo gacmaha is-haysta oo qoslayaan, taas oo keentay falcelin kala duwan.

“Waxaa muuqata in Abiy Axmed uu madaxweynaha u tusay dowladaha kale in Soomaaliya aysan awood u lahayn difaaca danaha qaranka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa difaacay kulankaas, isaga oo sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ku dhisan yahay ixtiraam iyo wada-shaqeyn cusub.

“Labada dowladood waxay isla garteen inay wadada sharciga u maraan wixii ay ka wada hadlayaan, waxaana dib loo soo celinayaa is-aaminaaddii,” ayuu yiri wasiirka.

Dhacdadan ayaa si weyn looga hadal-hayay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay aragtidooda kala duwan ka dhiibteen, kuwaas oo qaar ku tilmaamay mid wax u dhimaysa madax-bannaanida Soomaaliya halka kuwa kale ay ku sheegeen tallaabo wanaagsan oo diblomaasiyadeed.

 

 

Share.
Exit mobile version