Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu berri safar rasmi ah ku tago dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Safarka Madaxweyne Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Erdogan uu dhex-dhexaadin ka dhex wado Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, kuwaas oo la filayo in ay kulanka fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara. Erdogan ayaa dadaal ugu jira in uu xal u helo khilaafka labada dhinac, gaar ahaan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u diiday dadaallo hore oo la doonayay in lagu kulansiiyo isaga iyo Abiy Ahmed, isagoo si cad u sheegay in aanu la fariisan doonin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ilaa heshiiska MOU-ga la buriyo. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku eedeysay Itoobiya in ay faragelin ku hayso gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kula kulmayaan saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya, taas oo sare u sii qaadday cabsi laga qabo in xiisadda diblomaasiyadeed ay isku beddesho mid milateri.

Xaaladda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u muuqata mid mugdi galisay xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka, iyadoo indhaha caalamka ay haatan ku sii jeedaan dadaallada Turkiga ee lagu xallinayo khilaafka labada dal.

Share.
Exit mobile version