Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta caadi ahaan ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Shirkan, oo ka duwanaa kuwii hore, ayaa diiradda lagu saaray dagaalkii ka dhacay Raaskambooni, halkaas oo lagu jabiyay ciidamada dowladda ee halkaasi loo diray.

Golaha Wasiirrada ayaa cambaareeyay weerarka ay ciidamada Jubbaland ku qaadeen magaalada, kuwaas oo ugu dambeyn la wareegay gacan ku haynteeda. Sidoo kale, goluhu wuxuu soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe, iyagoo ku eedeeyay inuu xiriir kala dhaxeeyo kooxda Al-Shabaab.

Intaas waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa magacaabay guddi baaritaan ku sameeya nooca xiriir ee la sheegay inuu ka dhexeeyo Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta, si loo xaqiijiyo eedeymahaas isla markaana tallaabo sharci ah loo qaado.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay go’aannada shirka, isagoo sheegay in ciidamada weeraray Raaskambooni ay soo dhex mareen deegaanno ay Al-Shabaab ku sugan yihiin, taas oo sii xoojisay shakiga laga qabo Axmed Madoobe.

“Arrintani waxay caddeyneysaa tuhunka ah in xiriir amni iyo wada shaqeyn uu ka dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

 

 

Share.
Exit mobile version