Muqdisho (Jubaland24) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday hannaanka loo marayo xulashada xubnaha Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare, iyada oo la raacayo shuruucda iyo nidaamyada tacliinta sare ee dalka.
Shuruudaha lagama maarmaanka ah ayaa waxaa ka mid ah soo gudbinta dukumentiyo rasmi ah sida CV, shahaadooyin tacliimeed, warqad codsi shaqo, iyo cilmibaarisyo hore.
Xubnaha cusub ayaa lagu dooran doonaa hab waafaqsan qodobka 12-aad ee sharciga tacliinta sare iyo faqradihiisa kala duwan, kuwaas oo si faahfaahsan u tilmaamaya habraaca xulashada.
Bayaanka wasaaradda ayaa muujinaya in codsiyada xubinnimada la xareyn karo illaa 30-ka Janaayo 2025. Waxaa la doonayaa in xubnahan ay yeeshaan aqoon, waayo-aragnimo, iyo karti sare si ay gacan uga geystaan horumarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.
Waajibaadka guddigan waxaa ka mid ah dejinta siyaasadaha qaran ee tacliinta sare kuwaas oo waafaqsan ujeeddooyinka guud ee qaranka, ka talo-bixinta horumarinta tacliinta sare, iyo isku xirka nidaamka waxbarashada iyo baahiyaha suuqa shaqada.
“Guddigan waxaa lagu soo xulan doonaa hab waafaqsan sharciga tacliinta sare, gaar ahaan qodobka 12-aad iyo faqradihiisa 2-aad, 3-aad, 4-aad, iyo 5-aad. Codsiyada waxaa lagu soo hagaajinayaa guddi gaar ah oo loo xilsaaray arrintan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Wasaaradda ayaa ku adkeysatay in qorshahan uu yahay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarinta tacliinta sare ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in nidaamka waxbarasho uu noqdo mid tayaysan oo la jaanqaadi kara baahiyaha bulshada.