Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, Sheikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aal Thaani, ayaa shaaca ka qaaday faahfaahin ku saabsan heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza oo la gaaray labo maalmood ka hor, kaas oo la filayo in la hirgeliyo Axadda soo socota.

Sheikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan, oo wareysi gaar ah siiyay Al Jazeera, ayaa rajo ka muujiyay in heshiiska si buuxda loo fuliyo oo dhibaatadu ku dhammaato. Wuxuu adkeeyay muhiimadda ah in taageero caalami ah loo ururiyo Gaza, lagana shaqeeyo sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaataysan.

Wuxuu sheegay in maalmaha ugu dambeeyay ee wadahadallada ay ahaayeen kuwo go’aaminayay natiijada, taas oo farqi weyn keentay. Wuxuu tilmaamay in iskaashiga labada maamul ee Mareykanka (kan madaxweyne Joe Biden ee xilka kasii degaya iyo kan madaxweyne la doortay Donald Trump) ay si weyn uga qayb qaateen gaaritaanka heshiiska.

Mas’uulka reer Qatar ayaa intaa ku daray, “Waxaan ku dadaaleynaa inaan si buuxda u fulino wajiga koowaad, halka wajiga labaad uu noqon doono mid dhammeystiran. Waxaan sugaynaa in Golaha Ammaanka uu soo saaro go’aan qasab ah oo ku saabsan fulinta heshiiska.”

Wuxuu shaaca ka qaaday in lagu heshiiyay hab-raac bini’aadannimo oo ku saabsan habka gargaar loo gaarsiinayo si looga hortago ku-takri-falka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mowqifka Qatar sidii dhexdhexaadiye uu yahay “mid cad oo ku saabsan in maamulka Gaza kaddib dagaalka uu yahay arrin u gaar ah reer Falastiin.” Sidoo kale wuxuu xusay in waajibka dawladaha Carabta uu yahay inay taageeraan midnimada Falastiin si loo soo afjaro kala qaybsanaanta.

Sheikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay dhaliilaha loo soo jeediyay dalkiisa, wuxuuna yiri, “Kuwa dhaliilaya Qatar waxba kama aysan qaban joojinta dagaalka aan ka ahayn qaylo iyo buuq, waxayna sameeyeen ka faa’iideysi iyo cadaadis qaawan oo ka dhan ah doorkeena.” Wuxuu intaas ku daray in Qatar aysan ku jawaabin eedaymaha hadallo, balse ay uga jawaabeen tallaabooyin dhab ah oo keentay heshiiska.

Share.
Exit mobile version