Guddiga Baarista Ruushka ayaa ku dhawaaqay geerida Jeneraal Igor Kirillov, oo ahaa taliyaha ciidamada ka hortagga hubka nukliyeerka, kiimikada iyo baayolojiiga ee ciidamada Ruushka, kadib qarax ka dhacay caasimadda Moscow subaxnimadii Talaadada maanta.

Guddigu wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in walxaha qarxa lagu rakibay baaskiil koronto oo la dhigay irridda hore ee dhismo ku yaalla waddada Ryazansky Prospekt ee Moscow, taasoo sababtay dhimashada Kirillov iyo ku-xigeenkiisa.

War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintu ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta dambiga, iyagoo furay dacwad ciqaab ah oo ku saabsan dilka saraakiishaasi.

Waddada Ryazansky Prospekt oo uu qaraxu ka dhacay waxay qiyaastii 7km u jirtaa bariga koonfureed ee Kremlin-ka. Wakaaladda TASS ayaa sheegtay in baarayaasha iyo khuburrada baaritaanka maydka ay ka shaqeynayaan goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo kaashanaya shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Warbixinno warbaahintu ay baahiyeen ayaa sheegay in walxaha qarxa ay qarxeen xilli uu Kirillov iyo ku-xigeenkiisu kasoo baxayeen dhismaha abaare lixdii subaxnimo.

Telefishinka Russia Today ayaa soo xigtay ilo amni oo sheegay in xoogga qaraxa uu ahaa, sida ay tilmaamayaan xogaha horudhaca ah, inta u dhaxaysa 100 illaa 300 garaam oo walaxda qarxa ah ee loo yaqaan TNT.

Kirillov oo 54 sano jir ahaa wuxuu xilkiisa hayay tan iyo 2017, waxaana magaciisa lagu daray liisaska cunaqabateynta reer galbeedka oo la xiriirta duullaanka Ruushka ee Ukraine, oo ay Ruushku ugu yeeraan “Howlgalka Gaarka ah ee Ciidamada Ruushka ee Ukraine”.

Kirillov ayaa si joogto ah shirar jaraa’id ugu qaban jiray Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo uu kaga hadlay mashaariicda lagu sameeyay sheybaarrada bayolojiiga ee Pentagon-ka ku leeyahay dhulka Ukraine, si loogu isticmaalo hubka bayolojiiga ah ee ka dhanka ah Ruushka. Sidoo kale wuxuu ka hadlay halista ka imanaysa dhulka Ukraine ee loo adeegsado walxaha kiimikada iyo shucaaca leh, oo loo yaqaan “Bambada Nuclearka Dacarta ah”, si looga hor yimaado Ruushka.

Share.
Exit mobile version