Waxaa magaalada Tel Aviv laga maqlay seeriga digniinta kadib markii gantaallo laga soo tuuray Yemen ay ku dhaceen gudaha magaalada. Kanaalka 12 ee Israel ayaa xaqiijiyay in ilaa 5 qof ay ku dhaawacmeen gantaalladan, kuwaas oo ku dhacay goobaha ay ku sugnaayeen yuhuuda.

Dhanka kale, ciidamada Israel ayaa wali sii wada duqeymaha iyo xasuuqa ka dhanka ah shacabka Falastiin. Xaaladda Gaza ayaa wali kasii dareysa iyadoo lagu soo warramayo in xaalad bani’aadamnimo oo daran ay halkaas ka jirto.

Dowladda Mareykanka ayaa shalay duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Yemen, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen xarumo lagu keydiyo hubka kooxda Xuutiyiinta.

Kooxda iska caabinta Xamaas ayaa dhankooda sheegatay in askari ka tirsan Xamaas uu ku shahiiday weerar ismiidaamin ah kadib markii uu xirtay dareeska ciidamada Isra’iil.

Waxaa la filayaa in dagaalka Gaza la soo afjaro dhawaan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in heshiiska xabad-joojinta laga sameeyay horumar weyn iyadoo la isku afgartay qodoba badan oo horay la iskugu mari wayay.

Share.
Exit mobile version