Warar ay heshay Aljazeera ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen magaalada Khartoum Bahri oo ku taal waqooyiga caasimadda Suudaan ee Khartoum, dagaalladan oo u dhexeeya ciidamada millatariga Suudaan iyo xoogagga Taageerada Degdegga ah, xilli ay socdaan wadahadallo Qaramada Midoobay ay ku doonayso in lagu xalliyo dhibaatooyinka bani’aadminimo iyo dagaalka Suudaan ka jira.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada millatariga Suudaan ay adeegsadeen madaafiic culus iyo diyaarado dagaal intii lagu guda jiray dagaallada oo socday dhowr saacadood. Waxay xaqiijiyeen in millatarigu uu la wareegay gacan ku haynta Dhismayaasha Sultan Towers, kuwaas oo ay ku dhuumaalaysanaayeen xoogag ka tirsan Taageerada Degdegga ah oo u adeegsanayey meelahaas sida goobaha toogashada.

Sidoo kale, ilo wareedyadu waxay sheegeen in ciidamada millatariga Suudaan ay isku dayayaan inay furaan go’doonka lagu hayo Saldhigga Isgaarsiinta iyo Xarunta Guud ee Taliska Khartoum iyagoo adeegsanaya dagaallada ka socda caasimadda Suudaan.

Wadahadallo Qaramada Midoobay

Siyaasiyan, ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan, Ramataan Lamamra, ayaa xalay oo Talaado ahayd la kulmay madaxweynaha Mauritania, Maxamed Sheekh Al-Ghazwaani, iyagoo ka wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Suudaan.

Raadiyaha rasmiga ah ee Mauritania ayaa sheegay in kulanka Lamamra iyo Ghazwaani uu ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Nouakchott, lana isku weydaarsaday xaaladda hadda ka jirta Suudaan, gaar ahaan dhinaca bani’aadminimada iyo rajada laga qabo in xal waara loo helo dhibaatooyinka Suudaan.

Nouakchott ayaa maanta oo Arbaco ah martigelinaysa kulan wada-tashi ah oo ku saabsan xaaladda Suudaan, kaas oo ay codsatay Qaramada Midoobay. Wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritania, Maxamed Saalim Walad Marzuuq, ayaa sheegay in kulanka wada-tashiga ay ka soo qaybgalayaan dalal iyo hay’ado kala duwan oo leh hindisayaal nabadeed oo ku saabsan Suudaan, hase yeeshee faahfaahin gaar ah kama bixin cidda ka qaybgalaysa.

Walad Marzuuq ayaa usbuucii hore tilmaamay in Mauritania ay qaadan doonto doorka fududeynta si loo gaaro xal nabadeed oo soo afjara dagaalka ka socda Suudaan.

Dagaalladu waxay ka bilowdeen Suudaan bartamihii Abriil 2023, waxaana ay u dhexeeyaan ciidamada millatariga oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha Golaha KMG ah ee Suudaan, Cabdulfataax Al-Burhaan, iyo xoogagga Taageerada Degdegga ah oo uu hoggaamiyo ku xigeenkiisii hore Maxamed Xamdaan Daglo (Xamti).

Dagaalkan ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, barakacinta in ka badan 11 milyan oo Suudaani ah, wuxuuna -sida ay sheegtay Qaramada Midoobay- sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadminimo ee ugu xun taariikhda casriga ah, iyadoo labada dhinac ee isku haya dagaalka ay iska leeyihiin eedeymo is-dhaafsi ah oo ku saabsan inay geysteen dambiyo dagaal sida bartilmaameedsiga rayidka iyo xannibista gargaarka bani’aadminimo.

Share.
Exit mobile version