Ciidanka Sudan ayaa ku dhawaaqay in 10 qof ay dhinteen halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah ka geysteen suuqa dhexe ee magaalada Al-Fashir, caasimadda gobolka Darfur, Axaddii shalay. Halka ilo ka tirsan ciidanka ay xaqiijiyeen in horumar laga sameeyay degmada Bariga Nile, dhanka bari ee Khartoum.
Guutada lixaad ee ku sugan magaalada Al-Fashir ayaa war qoraal ah ku sheegtay in duqeyntii ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah ka fuliyeen suuqa dhexe ay sababtay dhimashada 10 qof oo shacab ah iyo dhaawaca ku dhawaad 30 kale oo xaalado kala duwan qaba.
Sidoo kale, waxay sheegtay in ciidamada cirka ee Sudan ay shalay qaadeen duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee ku hareeraysan Kaydka Biyaha ee Golo, oo galbeed kaga beegan Al-Fashir. Waxay sheegeen in lagu burburiyay 20 diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo 17 gaari dagaal, sidoo kalena ay dileen una dhaawaceen tiro badan oo ka tirsan Ciidamada Taageerada.
Dagaalladan ayaa dhacay hal maalin kadib markii in ka badan 70 qof ay ku dhinteen weerar ay diyaarado aan duuliye lahayn oo ay leedahay Ciidamada Taageerada ku qaadeen Isbitaalka Sucuudiga ee Al-Fashir, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Darfur, Mini Arko Minawi.
Tan iyo 10-kii bishii May 2024, magaalada Al-Fashir waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya ciidanka qaranka iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah, in kasta oo ay jiraan digniino caalami ah oo ka dhan ah dagaalka magaalada oo ah xarunta gargaarka bini’aadantinimo ee gobollada shanta ah ee Darfur.
Catherine Russell, oo ah agaasimaha hay’adda Qaramada Midoobay ee carruurta (UNICEF), ayaa sheegtay in la diiwaangeliyay in ka badan 90 weerar oo lagu qaaday isbitaallada iyo dugsiyada gudaha Sudan intii lagu jiray sanadkii 2024