Waxaa sare u kacday qiimaha lacagta dhijitaalka ah ee Bitcoin, taasoo gaartay heerkeedii ugu sarreeyey abid oo ka badan $106,000 intii lagu jiray ganacsiga hore ee Aasiya maanta oo Isniin ah, taasoo lagu taageeray hadallo uu jeediyey madaxweynaha cusub ee la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, kaasoo sheegay inuu damacsan yahay inuu dhiso keyd istaraatiiji ah oo Mareykanku leeyahay oo Bitcoin ah, sida keydka shidaalka istaraatiijiga ah.

Lacagta dhijitaalka ah ayaa sidoo kale ka faa’iidaysatay rajo laga qabo in shirkadda “MicroStrategy Inc” lagu daro tusmada saamiyada muhiimka ah ee Mareykanka. Waxaa xusid mudan in MicroStrategy ay ka mid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee haysta Bitcoin.

Lacagta Bitcoin, oo ah tan ugu weyn uguna caansan lacagaha dhijitaalka ah ee caalamka, ayaa gaartay heerkeedii ugu sarreeyey ee $106,533, iyadoo ku jirtay heer ganacsi oo cusub oo ah $104,600.41.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay falanqeeyaha shirkadda IG, Tony Sycamore, oo yiri, “Waxaan hadda ku jirnaa marxalad rikoor cusub ah… lambarka xiga ee suuqa laga sugayo waa $110,000. Hoos u dhaca ay dad badani filayeen weli ma dhicin.”

Trump ayaa sheegay waraysi uu siiyey shabakadda “CNBC” dhammaadkii toddobaadkii hore, “Waxaan qaban doonaa wax cajiib ah anagoo ka faa’iidaysanayna lacagaha dhijitaalka ah,” markii la weydiiyey inuu damacsan yahay inuu dhiso keyd lacagaha dhijitaalka ah sida keydka shidaalka, wuxuu ku jawaabay, “Haa, waxaan u maleynayaa sidaas.”

Share.
Exit mobile version