Shirkadda duulimaadyada Azerbaijan Airlines ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah ee baaritaanka shilka diyaaradeed ee ka dhacay Kazakhstan ay muujinayaan in waxa dhacay uu ahaa “faragelin dibadda ah oo jireed iyo farsamo.” Halka Kremlin uu ka gaabsaday inuu ka hadlo shilkaas ilaa ay kasoo baxaan natiijooyinka rasmiga ah ee baaritaanka.

Shirkaddu waxay sidoo kale horay u shaacisay inay hakisay duulimaadyadeeda toddobo magaalo oo Ruush ah, gaar ahaan kuwa ku yaalla gobolka Caucasus, kadib shilka diyaarada ka dhacday intii ay safarka ku jirtay Baaku ilaa Chechnya.

Bayaan ay soo saartay, shirkaddu waxay ku sheegtay in go’aankaasi lagu qaatay iyadoo la tixgelinayo natiijooyinka baaritaanka hordhaca ah ee shilka iyo halista nabadgelyada duulimaadyada, iyadoo sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto duulimaadyada Moscow iyo St. Petersburg.

Diyaarad rakaab oo ay leedahay Azerbaijan Airlines oo nooca “Embraer SA 190” ah ayaa ku burburtay inta ay ku jirtay safar ka bilaabmay Baaku una socday Grozny, agagaarka magaalada Aktau ee galbeedka Kazakhstan. Diyaaradda waxaa saarnaa 67 qof oo ay ku jiraan 5 shaqaalaha diyaaradda, waxaana ka badbaaday 32 qof.

Shirkadda duulimaadyada oo ay dowladdu leedahay ayaa sheegtay in diyaaraddu ay isbaddashay waddadii ay mari lahayd si ay ugu degto si degdeg ah Kazakhstan, balse waxay ku dhacday qiyaastii 3 kiilomitir u jirta magaalada Aktau.

Share.
Exit mobile version