Amiirka dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa maanta oo Axad ah wicitaan taleefoon ka helay madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, sida uu shaaciyay diiwaanka Amiirka.
Bayaan ka soo baxay diiwaanka Amiirka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray wicitaanka la gorfeeyay xiriirka iskaashi ee labada dal, iyo sida loo horumarin karo. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinacba xiisaynayaan.
Bishii Janaayo 19-keedii, waxaa hirgalay wejigii koowaad ee xabbad-joojinta iyo is-dhaafsiga maxaabiista ee u dhexeeyay Xamaas iyo Israa’iil, taasoo socon doonta muddo lix toddobaad ah, kadib dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hoggaaminayeen Qatar, Masar, iyo Mareykanka.
Qatar ayaa maanta oo Axad ah adkaysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu fuliyaan qodobada heshiiska, iyadoo sidoo kale lagama maarmaan loo arko in la bilaabo wada-hadallada ku saabsan wejiga labaad ee heshiiska.