Bishaar Al-Asad oo ah madaxweynaha Suuriya iyo Axmed Madoobe oo hoggaamiye ka ah Jubaland waxay leeyihiin astaamo iyo dhaqan isku mid ah marka la eego sida ay u maamulaan awoodda. Labadooduba waxay ku caan baxeen xukun kelitalisnimo ah, adeegsiga cabsi gelinta, ciqaabta sharci-darrada ah, iyo cunaqabateynta shacabka.

Maqaalkan waxa uu si qoto dheer u falanqeynayaa Toban qodob oo muhiim ah oo ay labadan hoggaamiye wadaagaan, kuwaas oo muujinaya hab dhaqankooda arxan-darrada ah iyo sida ay u cabburiyaan mucaaradka iyo shacabka hoos yimaada maamulkooda.

1. Xukunka kelitaliska ah iyo cadaadiska shacabka:

Bishaar Al-Asad wuxuu Suuriya u adeegsanayay xukun kelitalis ah, isaga oo awoodda ku haysta cabburin iyo cabsi gelin. Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu Jubaland u maamulaa hab kelitalis ah, isagoo adeegsanaya cabsi gelinta shacabka iyo khaarijinta kuwa ka aragti duwan.

2. Adeegsiga maleeshiyaad gaar ah:

Bishaar Al-Asad wuxuu lahaa ciidan gaar ah oo ku hawlan dilalka iyo cabsi gelinta kuwa ka soo horjeeda. Axmed Madoobe isna wuxuu leeyahay maleeshiyo u gaar ah oo u fuliya dilalka iyo cadaadiska kuwa ka aragti duwan.

3. Xabsiyo sharci-darro ah:

Suuriya waxaa ka jiray xabsiyo qarsoodi ah oo lagu hayo dadka ka soo horjeeda nidaamka Bishaar, halka Axmed Madoobe uu Kismaayo ku leeyahay xabsiyo gaar ah oo lagu ciqaabo dadka reer Jubaland ee ka aragtida duwan.

4. Dilka dadka waxgalka ah:

Bishaar Al-Asad wuxuu fuliyay dilal joogto ah oo ka dhan ah siyaasiyiin iyo haldoorka bulshada. Axmed Madoobe sidoo kale wuxuu dil iyo shirqool u geystay odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, iyo siyaasiyiinta reer Jubaland ee ka aragtida duwan.

5. Cunaqabataynta shacabka:

Bishaar Al-Asad wuxuu cunaqabatayn saaray shacabka Suuriya, iyadoo kheyraadkooda si sharci darro ah loo isticmaalayay. Axmed Madoobe isna wuxuu ku koobay dhammaan dhaqaalaha Jubaland gacantiisa, isaga oo shacabka ka hor istaagay adeegyada muhiimka ah.

6. Afduubka ciidamada:

Bishaar Al-Asad wuxuu ciidankiisa u adeegsanayay danihiisa gaarka ah, isaga oo ka hor istaagay inay helaan xuquuqdooda. Axmed Madoobe isna ciidanka Jubaland wuxuu ka xayiray dalacsiin iyo maamuuskii dowladnimo.

7. Kala qeybinta iyo xiriirka hoose ee kooxda xagjirka ah:

Bishaar Al-Asad waxaa lagu eedeeyaa inuu xiriir hoose la lahaa kooxo xagjir ah si uu danihiisa ugu fushado. Axmed Madoobe isna Jubaland ayuu kala qeybiyay, isaga oo qeyb dhul ah siiyay Al-Shabaab, halka lala xiriiriyo in xiriir hoose uu laleeyahay kooxahaas.

8. Erinta iyo musaafurinta siyaasiyiinta:

Bishaar Al-Asad wuxuu musaafuriyay siyaasiyiinta mucaaradka ah, halka Axmed Madoobe uu Kismaayo ka mamnuucay siyaasiyiin Jubaland ka soo jeeda oo ka fikir duwan.

9. Xadgudubyada xuquuqda aadanaha:

Labadoodaba waxay si weyn ugu lug leeyihiin tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, sida jirdil, afduub, iyo ciqaab arxan-darro ah oo ka baxsan bini’aadannimada

10. Eedeysanayaal ay sugayso maxkamadeyn

Bishaar Al-Asad dunida ayaa laga baadi goobayaa, iyadoo dacwado loo haysto oo lala xiriirinayo dambiyo dagaal iyo tacaddiyo ka dhan ah bini’aadannimada. Axmed Madoobe isna waxaa lagu eedeeyaa falal sharci-darro ah, waxaana uu ku sugan yahay Kismaayo, halkaas oo uusan ka bixi karin iyadoo ay sugeyso maxkamadeyn uu wajihi doono haddii uu awoodda waayo.

Gunaanad

Ugu dambeyn, labadan hoggaamiye ee dadka ay maamulaan u sameystay “kawaan gaar ah” oo ay ku qashaan, waxay wadaagaan dhaqan isku mid ah oo ku saleysan kelitalisnimo, xadgudubyo ka dhan ah bini’aadanimada, iyo eedeymo sharci oo culus. Bishaar Al-Asad,oo fashilmay xukunkiisa, wuxuu ka baxay Suuriya, isagoo qoxooti ah Waxa is weydiin mudan: Axmed Madoobe halka uu ugu dambeyn ku danbeyn doono. Ma doon ayuu ku carari doonaa marka xaaladdu ku xumaato, mise sharciga ayaa qaban doona oo la marsiin doonaa ciqaabihii uu mariyay shacabka Jubaland?

W/Q. C/Laahi Daahir Duqow

 

Share.
Exit mobile version