Xisbiga Liberal ee Kanada ayaa wajahaya imtixaan adag maalmaha soo socda si uu u doorto hoggaamiye cusub oo beddela ra’iisul wasaaraha is casilay, Justin Trudeau, una badbaadiya xisbiga guul-darro muuqata oo ku wajahan doorashooyinka guud ee soo socda.
Trudeau ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqay is casilaaddiisa ka dib markii uu toddobaadyadii ugu dambeeyay wajahay cadaadisyo badan, iyadoo lagu eedeeyay masuuliyadda sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo sidoo kale dhibaatada guryaha iyo adeegyada dadweynaha.
Sumcadda Trudeau ayaa hoos ugu dhacday heerkeedii ugu hooseeyay, iyadoo uu hadda 20 dhibcood ka hooseeyo ninka ay xafiiltamaan ee Conservative-ka, Pierre Poilievre, sida ay muujiyeen cod-bixinta ra’yiga dadweynaha ee ka hor doorashada la qorsheeyay inay dhacdo ugu dambeyn bisha Oktoobar ee sannadka soo socda.
Ka hor intaan si rasmi ah loo shaacin is casilaaddiisa Trudeau, dhowr shaqsi oo muhiim ah ayaa durba ka shaqeynayay sidii ay hoggaanka xisbiga iyo dowladda ula wareegi lahaayeen ilaa laga gaaro waqtiga doorashada. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in afarta qof ee ugu cad-cad yihiin kuwaan:
Mark Carney (59 sano jir): Guddoomiyihii hore ee Bangiga Kanada, oo xisbiga uga shaqeynayay sidii lataliye dhaqaale xagaagii hore ilaa hadda, ayaa maalmihii u dambeeyay aad u firfircoonaa si uu u qiimeeyo taageerada uu ku dhex leeyahay xisbiga. Carney ayaa sidoo kale hoggaamin jiray Bangiga Ingiriiska (Bank of England), wuxuuna caan ku yahay khudbadihiisa ku saabsan halista maaliyadeed ee isbeddelka cimilada. Buuggiisii ugu dambeeyay ee “Qiimaha” ayuu si adag ugu dhaleeceeyay nidaamka raasamaaliyeed, isagoo sheegay in suuqyada ay tahay inay u adeegaan muwaadiniinta.
Chrystia Freeland (56 sano jir): Ku xigeenkii ra’iisul wasaaraha iyo wasiirkii hore ee maaliyadda, oo is casishay bishii hore, taasoo dhalisay hadal hayn badan oo ku saabsan inay qorsheyneyso inay bilowdo ololaheeda hoggaaminta xisbiga. Waxay soo martay xirfad guul leh oo warbaahineed, waxayna ku biirtay kooxda Trudeau sannadkii 2013. Waxay doorar muhiim ah ka qaadatay xalinta arrimo badan, gaar ahaan wadaxaajoodka heshiiskii ganacsiga xorta ah ee Waqooyiga Ameerika xilligii maamulka Trump.
Dominic LeBlanc (57 sano jir): Waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda kaddib markii ay is casishay Freeland. Wuxuu ahaa saaxiib dhow oo muddo dheer la lahaa Trudeau. Waxa uu ka mid ahaa wafdigii Kanada ee Florida kula kulmay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, si ay uga wada hadlaan arrimaha cashuuraha 25% ee uu ku hanjabay inuu saari doono badeecadaha Kanada ka dib markii ay yimaadeen arrimaha amniga xuduudaha.
Mélanie Joly (45 sano jir): Waxay hoggaaminaysay wasaaradda arrimaha dibadda tan iyo sannadkii 2021, iyadoo hormuud ka ahayd istaraatiijiyadda Kanada ee gobolka Indo-Pacific. Waxay qaadatay qaab-diblomaasiyadeed “pragmatic” ah oo xoogga saaraya wada shaqeynta Kanada iyo hoggaamiyeyaasha leh aragtiyo is khilaafsan oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda. Waxay wargeyska Times u sheegtay mar horey in “awoodda ay ku jirto awoodda lagu sameeyo wadahadallo adag.”