Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Xuutiyiinta: Waxaan ku beegsanay xarun koronto oo ku taal Koonfurta Haifa gantaal xawaare sare leh.

Xuutiyiinta: Waxaan ku beegsanay xarun koronto oo ku taal Koonfurta Haifa gantaal xawaare sare leh.

January 5, 2025
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Xuutiyiintu waxay maanta oo Axad ah ku dhawaaqeen inay beegsadeen xarun koronto oo ku taalla Koonfurta Haifa, Israa’iil, iyaga oo isticmaalaya gantaal dheereeya oo xawaare sare leh. Dhanka kale, warbaahinta ay leeyihiin Xuutiyiinta ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka iyo Ingiriisku ay duqeymo ka fuliyeen waqooyiga Yemen.

Xuutiyiintu waxay soo saareen bayaan arrintan la xiriira saacado kadib markii ciidanka Israa’iil uu sheegay in difaacooda uu soo riday gantaal ka yimid dhanka Yemen.

Afhayeenka ciidanka Xuutiyiinta, Yahya Sariic, oo hadal ka jeediyay telefishinka, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay fuliyeen hawlgal ciidan oo lagu beegsaday xarunta korontada ee “Orot Rabin” iyaga oo isticmaalaya gantaal xawaare sare leh oo lagu magacaabo “Falastiin 2,” isagoo xaqiijiyay in hawlgalku si guul leh u fulay.

Sariic wuxuu intaas ku daray in howlgalada taageeraya Gaza ay sii socon doonaan, iyadoo la horumarinayo awoodaha milatari ee joogtada ah.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in “ciidamada qalabka sida” (kuwa Xuutiyiinta) ay ku hawlan yihiin horumarinta awoodahooda milatari si ay ula jaanqaadaan marxaladda hadda lagu jiro oo ay ku qasbaan Israa’iil inay joojiso gardarrada iyo in cunaqabateynta laga qaado Gaza.

Todobaadyadii la soo dhaafay, weerarada Xuutiyiinta ee gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil lagu qaaday ayaa kordhay, inkastoo Yemen ay la kulantay afar duqeymo cirka ah oo Israa’iil fuliyeen intii lagu jiray toddobaadyadii la soo dhaafay.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.