Muqdisho (Jubaland24) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, uu xilka kula wareegay.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyihii xilka wareejiyey, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo soo dhaweeyey Guddoomiyaha cusub. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay waxqabadka uu ka tagay intii uu xilka hayey.
“Guddoomiye Amiir, ku soo dhawoow u adeegidda afarta milyan ee qof ee ku nool caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Madaale.
Guddoomiyaha cusub, Maxamed Axmed Amiir, ayaa balan-qaaday in uu bulshada Muqdisho u adeegi doono si hufan. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in waxqabadkiisa uu noqon doono mid muuqda oo lagu qiimeyn karo.
“Waxaan rabaa in la igu xasuusto waxqabadkayga. Qorshaheygu waa inaan idiin adeego, mana ahan inaan idinka adeegto. Muqdisho waxaan ku dadaali doonaa inaan hormariyo,” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.
Sidoo kale, wuxuu balan-qaaday shaqo-abuur loogu talagalay dhalinyarada Gobolka Banaadir iyo dadaallo lagu hagaajinayo nadaafadda caasimadda.
“Sidii uu Ra’iisul Wasaare Xamse horey u sheegay, u adeegidda shacabka Muqdisho waa waajib i saaran, waana sidaan ku cibaadaysanayo,” ayuu yiri Amiir.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa shacabka Muqdisho ku tilmaamay dad leh dulqaad aad u weyn. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda shaqooyinka danta guud, isagoo ku adkeystay in dowladdu sii wadi doonto mashruucyada hormarinta ee ka socda caasimadda.
“Waxaa la gaaray waqtigii dhagaxda waaweyn laga saari lahaa jidadka Muqdisho. Amniga shaqo weyn ayaan ka qabannay, waana inaan ka sii shaqeynaa horumarka. Wasiirka amniga waxaan farayaa in caawa dhagaxda laga qaado wadooyinka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.