Xabsiga Sidnayaa ee ku yaalla Suuriya waxa uu caan ku yahay inuu yahay mid kamid ah meelaha ugu xun uguna naxdinta badan ee xadgudubyada bini’aadamka ka dhaceen. Nidaamkii hore ee Suuriya waxa uu ahaa nidaam cabsi gelin iyo ciqaab ku saleysan, kaas oo ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo damiirka bani’aadamka. Qof kasta oo ku dhiirrada inuu ka hor yimaado nidaamka, dhiirrigeliyo kacdoon, ama xitaa ka qaybqaato bannaanbax, waxa uu wajihi jiray ciqaab iyo tacaddi aan damiir lahayn.
Xabsiga Sidnayaa ayaa hay’adaha xuquuqul-insaanku ugu magac dareen “Kawaanka Bini’aadamka.” Waxyaabaha ka dhacay gudaha xabsigan waa kuwo xitaa shaydaanku isaga bari yeelay.
Xabsigan wuxuu caan ku ahaa ciqaabaha naxariis darrada ah iyo dhibaatooyinka aan loo meel dayin ee maxaabiista lagu fulin jiray. Waa meel ku suntan cabsi iyo argagax.Maxaabiista lagu xiray xabsigan waxay wajihi jireen jirdil naxdin leh oo ka bilaaban jiray garaacis ilaa in lagu cadaadiyo qaabab aan bani’aadamnimo ahayn. Waxaa loo diidi jiray cunto iyo biyo, waxaana lagu ciqaabi jiray gaajo daran oo qofka si tartiib ah u jidhdilaysay ilaa uu ka dhinto.
Ciqaabaha qaarkood waxay ahaayeen kuwo dadka lagu cadaadin jiray iyaga oo aan si buuxda u dhiman, taas oo ahayd mid murugo iyo xanuun leh. Meeshani waxay tusaale cad u tahay meelaha ugu dhibaatada badan taariikhda, oo ay bini’aadamnimada ku dhimatay, cadaalad darraduna ugu xoog badnayd.
Markey kooxaha mucaaradka ah ay la wareegeen magaalada Dimishiq, waxa ugu horreeyay ee ay sameeyeen waxa uu ahaa inay isku dayaan inay jabaan xabsigan si ay u sii daayaan maxaabiista ku xirnayd. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la ogaaday in xabsiga uu leeyahay qaybo dhulka hoostiisa ah oo gaaraya ilaa saddex dabaq, kuwaas oo ahaa kuwo si aad ah loo adkeeyay. Albaabada qaybahaan hoose waxay ahaayeen kuwa bir ah oo shub adag ka sameysan, taas oo hakisay in xabsiga si fudud loo furo.
Waxey qaadatay ku dhowaad 10 saacadood in la jabiyo qaybaha hoose ee xabsiga, iyada oo la isticmaalay farsamo-yaqaanno khaas ah si albaabada loo furo. Saddexda dabaq ee dhulka hoostiisa ayaa loo yaqaanay “Xabsiga Guduudan.” Waa goob mugdi ah, qabow, iyo qolal yar yar oo dadka lagu ciqaabi jiray jirdil aad u daran loogu geysan jiray. Maxaabiista ku jirtay qaar waxay xabsigan ku xirnaayeen muddo ka badan 50 sano, iyagoo aan wax xiriir ah la lahayn dunida dibadda ah.
Maxaabiis badan ayaa xabsigan ka baxay iyagoo aan garanayn wax ku saabsan dhacdooyinka adduunka. Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay inaanay ogeyn in Saddaam Xuseen la dilay ama Ciraaq la qabsaday. Xitaa kuwo kale ma ogeyn in kacdoon ka dhacay Suuriya oo kooxo mucaarad ah soo bexeen. Waxaa la sii daayay nin 60 jir ah oo sheegay in xabsiga la keenay isagoo 14 jir ah.
Waxaa sidoo kale lagu arkay haween wata carruur aysan garanayn cidda ka dhashay. Carruurtan ayaa lagu dhalay xabsiga kadib markii haweenkan lagu kufsaday xabsiga guduhiisa. Qaar ka mid ah maxaabiista ayaa wayay xusuusta iyo caqliga, iyagoo aan xitaa xusuusan magacyadooda.
Warbixinno badan ayaa laga sameeyay tacaddiyada ka dhacay Xabsiga Sidnayaa, balse wali dhammaan xaqiiqooyinkii ka dhacay lama soo koobin. Waxaa la aaminsan yahay in dad badan oo la waayay lagu daldalay ama si qarsoodi ah loogu dilay gudaha xabsiga. Baaritaanno ayaa wali socda si loo ogaado qaybo qarsoon oo xabsiga ka mid ah, waxaana laga cabsi qabaa in dad wali la la’yahay ay ku jiraan godod qarsoon.
Xabsiga Sidnayaa waxa uu astaan cad u yahay dhibaatooyinka ka dhasha marka nidaam ka arradan damiir iyo bani’aadannimo uu awood yeesho,waa tusaale iyo astaan muujineysa wuxuushnimo iyo dulmiga uu sameynayo nidaam aan lala xisaabtamin.