Mas’uul xog-ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in diblomaasiyiin Qatari ah ay Isniintii la hadleen hoggaanka kooxda Tahrir al-Sham oo hoggaamisa mucaaradka Suuriya, kaddib weerar lama filaan ah oo kooxdaasi ku ridday xukunkii madaxweynihii hore Bashar al-Assad.
Mas’uulka ayaa sheegay in Qatar ay qorsheyneyso in Talaadada ay la hadasho hoggaamiyaha kooxda Tahrir al-Sham, Maxamed Al-Bashiir, oo loo xilsaaray hoggaaminta maamulka ku-meel-gaarka ah ee Suuriya. Waxa uu intaas ku daray in “diiradda la saarayo muhiimadda ay leedahay in Tahrir al-Sham iyo kooxaha kale ay ilaaliyaan deggenaanshaha iyo hay’adaha guud ee Suuriya inta lagu jiro marxaladda ku-meel-gaarka ah.”
Dowladaha gobolka ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqaya inay xiriir la sameeyaan mucaaradka Suuriya, kuwaas oo weerar ballaaran oo ay qaadeen ku soo afjaray xukunkii Bashar al-Assad, kaddib 13 sano oo dagaallo ah iyo in ka badan 50 sano oo qoyskiisu ay xukunka hayeen.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Maxamed Al-Khulaifi, ayaa sheegay fiidkii dambe ee Isniinta in Qatar ay sii waddo xiriirka ay la leedahay dhinacyada kala duwan ee ka jira goobaha Suuriya.
Isagoo ka hadlayay hadallo ay baahisay Al-Jazeera, wuxuu sheegay in “Qatar ay mudadii la soo dhaafay ka shaqeynaysay sidii ay u taageeri lahayd shacabka Suuriya, albaabadeedana ay weligood furan yihiin si ay ugu taageeraan dadka Suuriya iyada oo waafaqsan siyaasadda dibadda ee Qatar.”
Xiriirka ay Doha la yeelatay Tahrir al-Sham ayaa yimid kaddib shir uu Ra’iisul Wasaaraha Qatar martigeliyey fiidkii dambe ee Sabtidii, kaas oo ay ka qaybgaleen wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Masar, Turkiga, Urdun, iyo Ciraaq, iyo sidoo kale diblomaasiyiin sare oo ka socday Iran iyo Ruushka.
Mas’uulka ayaa sheegay in shirkaas lagu gaaray heshiis saacado ka hor inta uusan Assad ka cararin Dimishiq, kaas oo qeexayay in xiriirka lala yeesho Tahrir al-Sham uu muhiim u yahay xasilloonida Suuriya. Waxa uu sheegay in ay tahay mudnaanta koowaad si loo hubiyo in kooxo sida ururka Daacish aysan fursad uga helin Suuriya.
Qatar waxay leedahay waayo-aragnimo sare oo ku saabsan dhex-dhexaadinta dowladaha reer galbeedka iyo mucaaradkooda sida Iran ama kooxaha hubaysan ee sida Xamaas iyo Taliban.
Dhanka kale, mas’uul sare oo Iiraani ah ayaa u sheegay Reuters in Tehran, oo ah xulufadii ugu weynayd ee Assad ee gobolka, ay furatay khad toos ah oo xiriir ah mucaaradka hoggaanka cusub ee Suuriya. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay “in laga fogaado waddo colaadeed” oo dhexmarta labada dal. Lama xaqiijin karo in xiriirka Iiraan uu yahay mid lala leeyahay Tahrir al-Sham ama koox kale oo ka tirsan mucaaradka Suuriya.
Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in wakiillada mucaaradka Suuriya ay u ballan qaadeen Moscow in saldhigyadooda milatari iyo xarumahooda diblomaasiyadeed ee Suuriya ay ahaan doonaan kuwo ammaan ah. Lama oga cidda ka tirsan mucaaradka ee bixisay ballan-qaadkaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Isniintii sheegay in Ankara ay la socoto dhammaan “dhinacyada muhiimka ah iyo kuwa gobolka,” isaga oo aan soo hadal qaadin Tahrir al-Sham.