Ilo maxalli ah ayaa u sheegay Al Jazeera in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ciidanka Taageerada Degdega ay saakay oo Isniin ah bartilmaameedsadeen saldhigga korontada ee beddelka Dongola ee waqooyiga Suudaan, taasoo sababtay dab kaco iyo koronto la’aan, xilli dagaalku ka socdo Khartoum Bahri oo ku taalla waqooyiga caasimadda.
Ilo wareedyadu waxay intaas ku dareen in difaacyada dhulka ee ciidanka Suudaan ay la dagaallameen 7 diyaaradood oo duulimaad ah oo weeraray saldhigga.
Weerarkan wuxuu qayb ka yahay taxane weerarro ah oo bartilmaameedsaday xarumaha korontada, kuwaas oo ay maalmihii la soo dhaafay fulisay Ciidanka Taageerada Degdega. Weeraradani waxay ku beegsadeen xarumaha korontada ee waaweyn, sida tan biyo-xireenka Meroe ee waqooyiga, tan magaalada Meroe, iyo tan beddelka korontada ee Showak oo ku taalla gobolka Gedaref ee bariga Suudaan.
Ilo wareedyo kale ayaa hore ugu sheegay Al Jazeera in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Taageerada Degdega ay weerareen saldhigga korontada ee Showak oo waqooyiga magaalada Gedaref ku yaalla waaberigii Sabtida, taasoo keentay in saldhiggu ka baxo shaqada iyo in korontadu ka go’do gobollada Gedaref iyo Kassala ee bariga Suudaan.
Dhanka kale, mareegta Sudan Tribune ayaa -iyagoo soo xiganaya ilo wareedyo- sheegay in ciidanka Suudaan ay horumar ka sameeyeen magaalada Khartoum Bahri oo ay ku dhow yihiin inay la wareegaan bartamaha magaalada, iyadoo Ciidanka Taageerada Degdega ay ka baxayaan dhowr goobood.
Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Ciidanka Taageerada Degdega, Al-Fatih Qorashi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidankoodu horumar ka sameeyay goobaha cusub, isagoo beeniyay in ay ka baxeen Khartoum Bahri.
Magaalada Khartoum Bahri waxaa ka socda dagaallo isdaba joog ah oo u dhexeeya labada dhinac ee dagaalka, iyadoo ciidanka Suudaan ay isku dayayaan inay ka soo gaaraan Saldhigga Isgaarsiinta ee dhanka koonfurta Khartoum Bahri, halkaasoo ugu dambeyntii ay ku beegsanayaan xarunta guud ee ciidanka oo ku dhex jirta go’doonka bartamaha Khartuum.