Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dagaal uu ka dhacay meel u dhow koonfurta magaalada, oo lagu qiyaasay inay u jirto 10 ilaa 15 km.
Iska horimaadka ayaa daba socday xiisado shalay ka dhashay dagaal dhexmaray ciidamada booliska magaalada iyo dhalinyaro deegaanka ah. Sida wararku tilmaamayaan, saaka qeybo ka mid ah magaalada ayaa daganayd, inkastoo xiisaduhu wali taagan yihiin.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dhalinyaro deegaanka ah oo taageersan maamulka Khaatumo, kuwaas oo ku doodayo inay ka dhisaan Ceerigaabo maamul u gaar ah. Dhanka kale, Somaliland ayaa doonaysa in magaalada lagu sii wado nidaamka iyo heshiisyadii hore ee lagu dhisay Somaliland.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiid dagaal oo hub culus ku raran yahay oo dhex maraya magaalada, balse warar dambe ayaa soo sheegay in xaaladdu caadi kusoo noqotay qeybo badan oo magaalada ah.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” oo ka hadlay amniga Gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo, ayaa ku booriyay dhinacyada dagaalamaya inay nabadda qaataan. Afhayeenka madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in madaxweynuhu ku celiyay baaq nabadeed oo ku saabsan dagaalada socda in wada hadlo si xal loo gaaro.
“Xukuumaddu diyaar ayay u tahay in ay walaalaysi ka shaqeyso, isla markaana cid kasta oo tabasho qabta ay miiska wadahadalka keento,” ayuu yiri afhayeenka.
Xiisado hore oo soo noqnoqday
Ceerigaabo iyo deegaanada ku hareeraysan waxay dhowr jeer marti u noqdeen dagaalo iyo iska horimaadyo. Bishii Agoosto ee sanadkan, dagaal ka dhacay deegaanka Goof, oo 40 km u jirta Ceerigaabo, ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 9 qof, halka uu ka dhashay xiisad ka dhalatay dil hore.
Sidoo kale, sanadkii 2023, magaalada Laascaanood waxaa ka qarxay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa taageersan maamulka Khaatumo ee gobollada Sool, qeybo kamida Sanaag. Dagaalkaasi oo socday bilooyin badan waxaa ka dhashay dhimashada boqolaal qof, barakaca dad tiro badan, iyo burbur xooggan oo magaalada soo gaaray.
Ceerigaabo iyo qiimaha ay leedahay
Magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn looga yaqaan quruxdeeda dabiiciga ah iyo cimilo ka duwan inta badan gobollada kale ee Soomaaliya. Heerkulka magaalada ayaa mararka qaar gaaraya 4 darajo Celsius, taasoo keenta in dadku ay isticmaalaan bustayaal si ay uga difaacdaan qabowga.
Gobolka Sanaag oo Ceerigaabo ay xarun u tahay ayaa caan ku ah buuraha Deelo iyo Surad, oo marar badan lagu heeso. Sidoo kale, gobolka waxaa si weyn looga soo saaraa beeyada, taasoo ka mid ah waxyaabaha dhaqaale ahaan muhiimka u ah gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadaha iyo dagaalada soo noqnoqda ayaa weli caqabad ku ah nabadda iyo horumarka magaalada iyo guud ahaan gobolka Sanaag.