Muqdisho (Jubaland24) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya, oo ay hadda ka shaqeyso shirkad Turki ah taas oo u soo dirtay xeebaha soomaaliya markab sameynaya baaris shidaal.
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, ayaa sheegay in sahminta lagu soo gabagabeyn doono bisha April ee sanadkan 2025, si loo ogaado goobaha rasmiga ah ee shidaalka laga qodi doono. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ay socdaan dadaalo taxadar leh si looga fogaado qodista meel aan shidaal ku jirin.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in maraakiibta baaritaanka wada ay ku wajahan yihiin xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, oo ka tirsan Galmudug. “Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, haddii uusan caqabad imaan, waxaan qorsheyneynaa inaan sahminta soo gabagabeyno bisha April, waxaana bishaas dabayaaqadeeda go’aamin doonnaa meesha saxda ah ee shidaalka laga qodayo,” ayuu yiri.
Marka sahmintu dhamaato, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah.
Badda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay ku jiraan in ka badan 200 xirmo oo shidaal ah, hase yeeshee aan hore sahmin loogu sameyn sababo la xiriira khilaafaadka gudaha iyo walaaca dhinaca ammaanka.