Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay soo rideen diyaarado badan oo nooca aan duuliyaha lahayn oo ay Ruushka usoo direen dalka, halka warbaahinta Ukraine ay sheegeen in Ruushku uu qabsaday 3 tuulo oo ku dhow magaalada lagu muransan yahay ee Pokrovsk.
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay soo rideen 34 ka mid ah 81 diyaaradood oo Ruushku uu soo diray habeenkii xalay, waxayna intaas ku dareen in khatarta 47 diyaaradood la xakameeyay, taas oo muujineysa isticmaalka Ukraine ee qalabka dagaalka elektarooniga si ay u hagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.
Dhinaca dhulka, warbaahinta militariga Ukraine ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku ay qabsadeen 3 tuulo oo dheeraad ah oo ku yaalla agagaarka magaalada lagu muransan yahay ee Pokrovsk, oo Ukraine ay difaacaysay muddo bilo ah.
Blog-ga “Deep State” ayaa shalay oo Jimce ahayd sheegay in goobaha ay qabsadeen yihiin Datchynsky, Novy Trud, iyo Vovkov, oo ku yaalla dhowr kiiloomitir koonfurta Pokrovsk. Sidoo kale blog-ga “Liveuamap” ayaa soo bandhigay war la mid ah, halka warbixinta rasmiga ah ee xaaladda ee ka soo baxday Taliska Guud ee Ukraine gelinkii dambe ee Jimcaha ay sheegtay in Novy Trud weli lagu muransan yahay.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada Ruushka ayaa beddelay istaraatijiyaddooda weerarka tooska ah ee magaalada Pokrovsk, oo ah magaalo macdaneed iyo warshadeed, iyaga oo isku dayaya inay ka hareer maraan dhinaca koonfureed.