Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku wajahan Raaskambooni, halkaas oo ay dowladdu muddooyinkii ugu dambeeyay ku diyaarineysay ciidamo xooggan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo Jubaland. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkayaa mid muhiim ah oo lagu muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay nabadeynta iyo xoojinta maamul-wanaagga dalka.
Inkasta oo Ra’iisul Wasaaruhu uusan booqan karin magaalada Kismaayo sababo la xiriira diidmada Axmed Madoobe, booqashadiisa Raaskambooni ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo iskaashiga dowladda dhexe iyo ciidamada gobolka. Axmed Madoobe ayaa horay ugu adkeystay in qof aan isaga ka amar qaadanin uusan ka soo degi karin Kismaayo, taas oo keentay in dowladda dhexe u wareegto Raaskambooni si ay halkaas uga sii wado qorshayaasha amniga iyo horumarka gobolka.
Ciidamada ku sugan Raaskambooni ayaa door weyn ka qaadanaya dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo kuwa dowlad-diidka ah ee ka hawlgala Jubaland. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu dhiirigelin xooggan siiyo ciidamadaasi, iyadoo sidoo kale lagu sii dardargelinayo howlgalada amni ee gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xoojisay taageerada militari ee Jubaland, iyadoo hub iyo agab ciidan oo ka yimid Itoobiya laga dejiyay magaalada Kismaayo. arintaan sii badisay xiisadda Jubaland.
Safarka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland ay weli jiraan, hase yeeshee tallaabadan ayaa loo arkaa mid sare u qaadi karta nabadda iyo xoreynta Jubaland.