Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Politics»Mucaaradka Suuriya waxay u magacowdeen Maxamed Al-Bashiir inuu noqdo Ra’iisul Wasaare KMG ah

Mucaaradka Suuriya waxay u magacowdeen Maxamed Al-Bashiir inuu noqdo Ra’iisul Wasaare KMG ah

December 10, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Ra’iisul wasaaraha cusub dowladda Suuriya ee mucaaradka la xiriira, Maxamed Al-Bashiir, ayaa ku dhawaaqay khudbad telefishin laga sii daayay Talaadadii in loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku meel gaar ah oo muddo saddex bilood ah xafiiska sii joogi doona. Inta lagu jiro muddadan, dowladdiisa ayaa ka shaqeyn doonta sidii Suuriya loogu wareejin lahaa xukuumad cusub.
Al-Bashiir ayaa intaas ku daray in wasiirrada “Dowladd Badbaadinta” ee oo hoos tagta ururka hay’adda Xoreynta Shaam, iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ah ee dowladdii madaxweynihii xilka laga qaaday, Bashar Al-Asad, ay sii wadi doonaan shaqooyinkooda iyaga oo ah wasiirro dowr ku meel gaar ah ilaa 1-da Maarso 2025.

Al-Bashiir ayaa khudbaddiisa ku yiri: “Waxaan qabannay shir golaha wasiirrada oo ay ka soo qeyb galeen ee Dowladd Badbaadinta Suuriya oo ka howlgalaysay degaanka Idlib iyo nawaaxigeeda, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dowladdii hore ee nidaamka xilka laga tuuray.”

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay: “Shirku wuxuu diiradda saaray sidii loo wareejin lahaa hay’adaha dowladeed iyo maareynta arrimaha taagan.”

Muuqaal fiidiyow ah ayaa muujiyay kulan dhex maray hoggaamiyaha kooxaha mucaaradka Suuriya, Abuu Maxamed Al-Jowlani, iyo Ra’iisul Wasaarihii nidaamka xilka laga qaaday, Maxamed Qaazi Al-Jalaali, si ay ugu heshiiyaan sidii loo hagaajin lahaa wareejinta awoodda si adeegyada loogu fidiyo shacabka Suuriya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA habeenkii Isniinta.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.