Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay go’aan lagu mamnuucayo barnaamijka TikTok, kaas oo dhaqan geli doona 48 saacadood gudahood, ama si kale haddaan u dhigno, maalinta Axadda.
Go’aankan ayaa la sheegay inuu daba socdo walaac dhinaca ammaanka qaranka ah oo ay dowladda Maraykanku ka qabto xogta ay shirkadda TikTok ururiso iyo sida ay u adeegsan karto, maadaama TikTok uu leeyahay xidhiidh la sheegayo oo kala dhexeeya dowladda Shiinaha.
Haddaba, arrintan ayaa la filayaa inay saamayn weyn ku yeelato isticmaaleyaasha TikTok ee gudaha Maraykanka, kuwaas oo tiradoodu lagu qiyaasayo in ka badan 150 milyan oo qof. Waxa kale oo arrintani dood xooggan ka dhex abuurtay dhinacyada siyaasadda, teknolojiyadda, iyo xorriyadda hadalka ee dalkaas.
Saamaynta go’aankan iyo waxa uu ka dhigan yahay mustaqbalka TikTok ee Maraykanka ayaan weli caddayn, balse waxa la saadaalinayaa in tallaabadan ay horseedi karto isbedel ballaadhan oo ku saabsan barnaamijyada kale ee Shiinaha laga leeyahay ee suuqa Maraykanka ka jira.
Dhammaan xogta cusub iyo xaalka sida uu noqon doono, gaar ahaan waxa la xidhiidha xayiraadda TikTok, waanu idiin soo gudbin doonaa