Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo xil ka qaadis ku saabsan ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyada, madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u diray fariin siyaasiyiin ka ag dhow ra’iisul wasaare Xamse taas oo ahyd in uu is casilo.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in fariintaas la gaarsiiyay Xamse, hase yeeshee, weli lama hubo in ra’iisul wasaaraha uu aqbali doono go’aankaas ama uu isdifaaci doono. Waxaa sidoo kale la ogyahay in xiriirka madaxweynaha iyo Golaha shacabka uu yahay mid aad u wanaagsan taas oo Madaxweynaha u sahleyso inuu xilka ka tuuro ra’iisul wasaaraha.
Ilaa iyo hadda, ilo lagu kalsoon yahay oo xaqiijiyay jiritaanka wakaan lama hayo sidoo kale mana jiro wax xaqiijin ah oo ku saabsan xaqiiqda warkan.