Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Politics»Maxa ka dhacay Xeryaha Qaxootiga ee Jenin?!

Maxa ka dhacay Xeryaha Qaxootiga ee Jenin?!

January 11, 2025
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah oo ku sugan xeryaha qaxootiga ee Jenin ayaa maanta oo Sabti ah u sheegay Al-Jazeera in hay’adaha amniga ee Maamulka Falastiiniyiinta ay saareen go’doon adag xeryaha qaxootiga ee ku yaal waqooyiga Daanta Galbeed, iyagoo ka hor istaagay inay galaan agabka cuntada iyo dawooyinka.

Sidoo kale, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in biyaha iyo korontaduba ka go’een qaybo badan oo ka mid ah xerada sababo la xiriira go’doonka.

Waxay intaas ku dareen in hay’adaha amniga ee Maamulka Falastiiniyiinta ay xireen tiro ka mid ah dhaawacyada iyo bukaanada xeryaha qaxootiga ee Jenin iyagoo ku sugnaa isbitaalada, sidoo kalena ay u jeediyeen hanjabaado saxafiyiinta si ay uga joojiyaan tebinta dhacdooyinka ka socda gudaha xeryaha iyo in laga hor istaago gelitaanka halkaas.

Tan iyo bishii hore, ciidamada ammaanka ee Falastiiniyiinta waxay sii wadeen hawlgal ciidan oo ka socda xeryaha qaxootiga ee Jenin iyagoo ku andacoonaya inay baacsanayaan waxa ay ugu yeereen “dembiilayaasha.” Dhanka kale, ururo Falastiini ah – oo ay ku jiraan Xamaas, Jabahadda Shacabka, iyo Jihadka Islaamiga – waxay ku eedeeyeen ciidamada ammaanka ee Maamulka Falastiiniyiinta inay dabagal ku hayaan kuwa iska caabinta ah.

Iskahorimaadyadaas waxay sababeen dhimashada 6 ka mid ah ciidamada ammaanka iyo 8 qof oo rayid ah, oo uu ku jiro mid ka mid ah hogaamiyeyaasha katibada Jenin.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ammaanka ee Maamulka Falastiiniyiinta waxay amar ku siiyeen saldhigyada shidaalka ee gobolka inaysan u gudbin wax shidaal ah xeryaha qaxootiga ee Jenin.

Sidoo kale, dadka ku nool xeryaha ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay rasaas ku fureen matoorada waaweyn ee korontada keena, taasoo keentay inay gubtaan.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.