Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Maraykanka oo Wajahaya Jahwareer: Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn oo halis galiyay…

Maraykanka oo Wajahaya Jahwareer: Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn oo halis galiyay…

December 15, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in xaalad jahwareer ah ay ka taagan tahay gobolka New Jersey, halkaas oo diyaarado aan duuliyaha lahayn ama aan si rasmi ah loo aqoonsan lagu arkay iyagoo dul wareegaya cirka. Muuqaalo aad loogu faafiyay baraha bulshada intii lagu guda jiray fasaxa qaran ee (Thanksgivin), ayaa noqday dood qaran oo mas’uuliyiinta heer federaal iyo gobolba ay ka hadlayaan.

Warkan, oo markii hore kasoo shaac baxay warbaahinta maxalliga ah, ayaa hadda gaaray heer ay xubnaha Kongareeska iyo madaxda New Jersey ay sharaxaad dalbadeen. Madaxweynaha gobolka New Jersey, Phil Murphy, ayaa u qoray Madaxweyne Joe Biden isagoo ka codsaday jawaab ku saabsan arrintan. Senator Andy Kim ayaa isna bartiisa bulshada ku sheegay inuu waqtigiisa u huray raadraaca diyaaradahaas, isagoo sheegay in arintu u baahan tahay caddeyn.

Duqa Magaalada New York Eric Adams ayaa isna ku dhawaaqay in baaritaan lagu samaynayo dhacdooyinkan, iyadoo la sheegay inay jiraan muuqaallo muujinaya iftiin cirka ka muuqda oo dadka deegaanku ay qabaan inay yihiin wax aan caadi ahayn. Sidoo kale, madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku baaqay in dowladda ay si cad u sheegto waxa socda, haddii kalena diyaaradaha la soo rido.

Ilaa hadda, ma jirto wax caddeyn ah oo ku saabsan waxa ay yihiin diyaaradaha la arkayo. Dadka qaar ayaa rumaysan inay yihiin diyaarado caadi ah , halka kuwa kale ay ka shaki qabaan inay yihiin qalab sirdoon, makhluuqaad ka baxsan dunida, ama xitaa wax la xiriira dowladda hoose.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa federaalka ayaa sheegay in aysan jirin wax khatar ah oo muuqata, balse dad badan oo degaanka ah ayaa weli walaacsan. Kooxo baraha bulshada ah ayaa arrintan uga doodaya, iyagoo soo bandhigaya muuqaallo iyo sawirro muujinaya aragtidooda.

Dad badan ayaa rumeysan in diyaaradaha la arkay ay yihiin qalab sirdoon oo ay adeegsanayaan dalal sida Ruushka, Shiinaha, ama Iiraan si ay u khalkhalgeliyaan amniga Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo hadda lama oga waxa ay yihiin diyaaradahaas iyo cidda dhab ahaantii ka dambeysa. Xiisaha iyo shakiga arrintan ayaa sii kordhaya iyadoo la sugayo jawaabo rasmi ah oo ka imanaya mas’uuliyiinta.

 

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.