Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in dalkiisu u baahan yahay nabad waarta oo ay la galaan Ukraine, halkii ay ka noqon lahayd xabad-joojin kumeelgaar ah. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay tartan gantaalo oo dhexmara Ruushka iyo Ukraine, taas oo uu ka maadsaday madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Intii ay socdeen hadalladan, Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu gacanta ku dhigay laba tuulo oo ku yaalla gobolka Donetsk, halka gobolka Rostov ee Ruushka lagu garaacay gantaalo laga keenay Maraykanka iyo Britain.
Intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ee sannadlaha ah, Putin ayaa sheegay in xabad-joojin waqti dheer ah ay siin doonto Ukraine fursad ay ku xoojiso ciidamadeeda, isla markaana ay hesho saadka iyo rasaasta loo baahan yahay.
Putin ayaa sheegay in Ruushku uu waajib ku ahaa inuu weerar ku qaado Ukraine xilli hore, isla markaana uu si wanaagsan uga sii diyaar garoobo. Wuxuu sheegay in Ruushka lagu khiyaameeyay oo uu ku khasbanaaday inuu qaado tallaabadan.
Wuxuu sidoo kale yiri, “Haddii ay suuragal noqon lahayd in dib loo noqdo iyadoo la fahmayo wixii dhacay maanta, waxaan ka fikir lahaa inaan qaado go’aanka bilowga howlgalka khaaska ah xilli hore.”
Putin wuxuu xaqiijiyay in Ruushka uu diyaar u yahay inuu soo rido gantaalo dheeraad ah oo nooca Orishnik ah kuwaas oo lala bartilmaameedsanayo “xarumaha go’aan qaadashada” ee Kyiv, haddii Ukraine ay sii waddo isticmaalka hubka Maraykanka iyo Britain ee lagu garaacayo Ruushka.
Wuxuu ku tilmaamay gantaalka cusub ee Ruushka inuu yahay hub aan la jebin karin, isagoo soo bandhigay fikradda ah “tartan tiknoolajiyad sare leh,” oo Ruushku ku ridayo gantaalada Orishnik, halka Kyiv ay isku dayayso inay ku celiso difaacyo ka hortagga gantaalada oo laga siiyay reer Galbeedka.