Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan.
Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysa ka-qaybgalka wareegga saddexaad ee wadahadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo dadaal dheeri ah lagu bixinayo nabad ku dhisan wada-hadal.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ugu mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka Turkiga kaalintooda muhiimka ah ee fududeynta iyo taageeridda wadahadallada muhiimka ah ee u dhexeeya dhinacyada ay khuseyso.
DHAMMAAD