Dagaalladu waxay xambaarsan yihiin lama filaan, waana inta badan inaysan ku dhammaan rabitaanka kuwa huriyey. Tusaale ahaan, dagaalkii labaad ee adduunka waxaa weerar xooggan oo uu Hitler ku qaaday Midowgii Soofiyeeti ku dhammaaday gudaha magaalada Berlin, iyadoo ciidamada Midowga Soofiyeeti ay gaareen caasimadda Jarmalka kadib dagaal dhiig badan lagu daadiyay oo socday sanado.
Weerarkii Jarmalka wuxuu horseeday weerar celis ah, taasoo keentay in jihada dagaalka la rogo. Halkii Moscow looga baqayay inay ku dhacdo gacanta ciidamada Jarmalka, waxay noqotay awood gacanta ku haysa Bariga Yurub oo dhan ilaa iyo Jarmalka Bari, muddo ku dhow nus qarni, ilaa uu dhaco Darbiga Berlin ka dibna uu burburo Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1991.
Laga soo bilaabo Yurub ilaa Afrika, in kasta oo ay kala duwan yihiin juquraafi ahaan, tirada dagaallamayaasha iyo aqoonsigooda, haddana macnaha guud waa isku mid. Ku dhowaad laba sano kadib markii uu dagaalku ka qarxay Suudaan, ciidamada qalabka sida ee Suudaan waxay ku dhawaaqeen inay dib u qabsadeen warshadda shidaalka ee Al-Jaili, oo ku taal 70 kiiloomitir waqooyi ka xigta magaalada Khartoum, iyo inay la wareegeen aagga warshadaha milateriga ee woqooyi ka xiga magaalada Bahri.
Sidoo kale, waxay ku dhawaaqeen inay gaareen xarunta isgaarsiinta ee ku taal badhtamaha Bahri, iyagoo qaaday go’doonka saarnaa xarunta dhexe ee ciidamada qalabka sida, waxayna sii wadeen weerar culeys leh oo ay gacanta ku dhigeen gobolka Sinnar ee koonfur-bari Suudaan, ka dibna magaalada Madani oo ah caasimadda gobolka Al-Jazeera ee bartamaha dalka, iyagoo ku sii siqay goobo istaraatiiji ah oo ku yaal Khartoum, taasoo albaabka u fureysa inay mar kale dib ula wareegaan caasimadda oo dhan.
Isbedelkaas dhanka dagaalka ee ka muuqda goobaha dagaalka wuxuu muujinayaa in jihadii dagaalka ay is rogtay. Hore waxay u muuqatay in xoogagga Taageerada Degdegga ah ay gacanta ku hayaan inta badan Galbeedka Suudaan iyo qaybo ka mid ah bartamaha dalka, iyagoo gaaray koonfur-bari dalka. Xilligaasna waxaa sii xoogaystay cabsida ah in Suudaan ku sii siqdo fowdo baahsan oo la mid ah middii ka dhacday Soomaaliya sannadihii sagaashameeyadii, markii ay burburtay dowladnimada dalka oo uu isu rogay dhul ay ku loolamayaan qabqablayaal dagaal, qabaa’ilkuna ku tartamayaan inay maamulaan kheyraadka iyo hantidad alka.